U bood dhigaalka

AKHRISO: Mas’uuliyiinta Dowladda Oo La Faray In Hubkooda Ku Diiwaangeliyaan 14 cisho

Sheeko:Dalka

Wareegto kasoo baxday wasaaradda amniga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faray mas’uuliyiinta dowladda sida xildhibaannada, wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale in muddo 14 cisho gudahood ay kusoo diiwaangeliyaan hubka ay haystaan iyo ilaaladooda.

Arrintan ayaa lagu sheegay iney qeyb ka tahay fulinta go’aankii golaha wasiirada ee xasilinta caasimadda Muqdisho, waxaana la faray mas’uuliyiintan iney iska diiwaangeliyaan xarunta dambi barista ee CID, Muqdisho.

Wareegtadan waxaa ku saxiixan wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow.

Wareegtada hoos ka akhriso:

Diiwaangelinta-Illaalada-iyo-Hubkooda