U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Hotel Décalé

Sheeko:Amniga

Kadib kulan saacado qatay oo midawga musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku dhex maray Hotel Decale ee magaalada Muqdisho  ayaa laga soo saaray qodoba dhowr ah .

Kulanka oo doba joga kulan 25-kii bishii hore February ay muqdisho ay ku yeeshen labada dhinac ayaa aya lagu magacabay laba guddi oo ka kala socda Dowladda iyo Midawga musharixiinta , iyadoo guddiyadan ay ka shaqeyn doonan Qaban qaabada Banaanbax weeyn oo looga soo horjeedo Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo guddiga kale oo baaritaano ku sameynaya isu soo baxyo ay 19-kii February ay midawga musharixiinta Muqdisho ka sameynayeen kuwaas oo ciidamo ka tirsan dowladda ay Rasaas ku fureen ,
Shirkan ayaa sidoo kale leysla qaatay in banaanbaxa midawga Musharixiinta uu qabsoomo 6-da bishaan oo ku beegan Sabtiga soo socda, Isusoobaaxa ayaana waxa Ammaankiisa sugi doona Xukuumadda Xilgaarsiinta .
Xubnaha guddiyada la magacabay ayaa isugu jira xubna ka socda Xukuumadda iyo Xubna ka socda Midawga Musharixiinta waxa ayna kala yihiin :-
Guddiga Qaban Qaabada Banaanbaxa.
1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale
2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
Guddiga  Baaritaana ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021.
1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
6. Xuseen Macalin Maxamuud.