U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Kaoo Baxay Shirkii Kusoo Idlaaday Magaalada Dhuusamareeb?

Sheeko:Amniga

Magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgaradka, xildhibaanno, wasiirro heer federal ah madaxweyne ku-xigeenka iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo looga hadlay arrimo dhowr labadii maalin uu socday shirka.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii dib loogu bilaabi lahaa howlgallada ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay ka wadaan qeybo kamid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana shir lagu go’aamiyay in beelaha dega Galmudug wadajir uga qeyb qaataan howlgallada ka dhan ah Al-shabaab oo hakad galay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Madasha shirka ayaa waxaa goobjoog ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ahna xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, wasiiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta kale duwan ee ka soo jeeda Galmudug uu kamid yahay Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay gabagabadii shirka waxaa uu sheegay in la isku raacay in wadajir howlgallo looga bilaabo deegaannada Galmudug, waxaana uu u mahadceliyay martida kale duwan ee kasoo qeyb gashay shirka maanta ku soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Soomalaiyeed ee Galmudug.

“Waxaan u mahadcelinaynaa wafdigii ballaarnaa ee uu hoggaaminaayay Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya ee noogu yimid talada iyo ka qeygalka dagaalka Argigixisada ee socda guud ahaan dalka, gaar ahaan Galmudug, socodliina taladiina, ajiibida casuumadda iyo dhammaan aan dagaalka iskukaashanadii aan idiin soo gudbinay sidaa u aqbasheen” ayuu yiri.

Shirkaan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socdaymagaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa howlgallada ka socda deegaannada Galmudug oo dhammaan bulshada degta ay uga qeyb qaadan laheyd, waxaana la sheegayaa in dagaalka uu hoggaamin doonaan madaxweynaha Galmudug iyo wasiirka Gaashaandhigga sida la sheegayo.

Goobjoog News