U bood dhigaalka

AKHRISO : Maxaa Ku Cusub Ajendayaasha Shirka Dhuusamareeb 4 ?

Sheeko:Amniga

Shirka wadatashiga dowladda Federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka ayaa saacada soo socda ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Kulanka ayaa looga arin san doona xaaladda guud ee dalka si gaar ah arimahad doorashooyinka dalka oo muddo dheer dib u dhac ku imaanayay

Ajendayaashada Shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaaleedyada dalka ayaa waxaa ka mid ah :-

1: Maareynta Xilliga Kala Guurka:  shirka watashiga Dhuusamareeb 4 ayaa looga arin san doona sidii loo mareeyn lahaa xaaladda kala guurka dalka, maadama mudda xileedka madaxweeynaha ay ka dhiman tahay wax ka yar 5 Cisho.

2: Muddeynta Doorashada:  kulanka ayaa lagu go’aaminaya waqtiga kama danbeysta ah ee dalka uu galayo doorashooyinka Goolayaasha Baarlamaanka iyo tan Madaxweeynaha,  .

3:Arinta Gedo: Shirka maanta furmaya ayaa sidoo kale qodobada ugu waaweyn ee loogu arinsanayo waxaa ka mid ah arinta Gedo, horay maamulka madaxweeyne Farmaajo ayaa gacanta maamulka Jubbaland kala wareegay Gobalka Gedo oo ay madaxweeyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe isku hayeen .

4: Arinta Somaliland:  shirka ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale xal looga gaari doona cidda looga danbeynayo doorashada xubnaha Gobalada Waqooyi, oo iyagu muran ka taagna, kadib markii Gudoomiyaha Aqalka Sare laga wareejiyay Soo magacaabidda guddiyada doorashada gobalada Waqooyi.

5: Xal u helidda Guddiga Doorashooyinka: guddigan oo ay soo magacaabeen maamualada dalka oo dhan , ayaa waxaa muran laga keenay xubna la sheegay in ay qeeyb ka yihiin guddiga , sida ay sheegeen Mushariixinta Xilka madaxweynanimada guddiyadan ayaa waxaa ka soo muuqday xubna ka tirsan Ciidamada iyo Shaqaale Dowladeed .