U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Islaam Madoobe ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka golaha wasiiradda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha uga warbixiyey g xaalada amniga, isbadalka doorasho ee ka dhacay dalka iyo guud ahaan arimaha siyaasada, Ra’isul wasaaraha cusub ee lasoo magacabay ayuu alle oga baryey in uu ku asturo masuuliyada adag ee loo dhiibay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo idlaaday ololahii doorashada ee mudada fog lagu soo jiray, waxa uu faray golaha wasiirada in la dar dar galiyo shaqooyinka hortabinta leh wasaaradaha kuwaa oo ay ugu horeeyaan Hirgalinta golayaasha deegaanka, magacaabida degmooyin cusub iyo arimo kale.
Kulanka gabagabadiisa ayaa  waxaa warbixino kasoo jeediyey wasiirradda Amniga,  Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland. Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubaland.
Ugu dambeyn Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa golaha oga warbixiyey tababaro kala duwan oo ay wasaaradu u qabatay ergo ka kala timid magaalaooyinka Afmadow, Ceelcade, iyo Guriceel tababarka oo looga hadlayey dhibaatada ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufinya deegaanka.
Goobjoog News