U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlay Kulanka Golaha Wasiirrada KGS?

Sheeko:Amniga

Shirka todobaadlaha ah, golaha wasiirada Koofur Galbeed oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaa looga hadlay fatahaadda webiga Shabeelaha uu ka geystay gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo sidoo kale warbixin amniga ku saabsan laga dhageystay wasaaradda amniga.

Kulanka waxaa shir guddoomiyaha, madaxweynaha Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana la dhaariyay wasiirada cusub ee dhowaan uu madaxweynaha magacaabay.

Wasaaradda Gargaarka, ayaa soo bandhigtay warbixinta fatahaadda webiga, waxayna golaha ka wada hadleen sida gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay degaanadooda oo fatahaadda saameysay.

Goobjoog News