U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa looga hadlaya shirka IGAD ee Nairobi?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya, uu ka furmo shirka urur gobaleedka IGAD, kaas oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururka.

Shirkaan oo ah meertada 39-aad ee urur gobaleedka IGAD, ayaa sanadkaan looga hadlaya arrimaha ay kamid yihiin dagaalada Itoobiya, xiisadda Sudan iyo Itoobiya, abaarta Soomaaliya iyo Kenya iyo arrimo kale oo ka taagan dalalka ku mideysan ururka.

Qorshaha shirkaan ayaa ahaa in Soomaaliya uu ku matalo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, balse madaxweynaha ayaa booqasho iyo martiqaad ku jooga dalka Turkiga, taas oo sababtay wafdi kale uu hoggaaminayo ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka ku matalao Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, Ra’iisulwasaarah Itoobiya iyo madaxda dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD, ayaa shirka ka qayb galaya.

Goobjoog News