U bood dhigaalka

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in y kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee maagalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka golaha ayaa waxaa uu yahay Saddex qodob oo kala ah 1. Codeynta H/Sh Mihanadlayaasha Caafimaadka 2. Akh2aad H/Sh qareemadda Soomaaliyeed.

Godddoonka gol;aha ayaa Xildhibaanada waxaa uu  xalay waxaa ku  wargeliyay in uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan  kulanka, si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay falafadhiga 7-aad ee golaha, kaas oo ah kii ugu dambeeyey ee golha, maadaama uu soo dhammaaday muddo xiloodkooda, lana filaayo in loo dhaqaaso doorashada Baaralamaanka 11-aad 2021-ka, waxaana  golaha horyallo ajandayaal dhowr ah uu ugu weyn yahay dib u eegista Dastuurka dalka.

Goobjoog News