U bood dhigaalka

Akhriso : Maxaa Sababay In Uu Dib U Dhaco Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 15-ka bisha Febraayo , gebi ahaanba dib u dhacay  shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada dalka .

Shirkan oo uu horay ugu baaqay Madaxweeynaha waqtiga uu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo , ayuu qorshihiisu aha in uu ka qabsoomo magalaada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Farmaajo ayaa 9-kii bishaan ku baaqay shir wadatashi, kaas oo lagu dhameeystirayo heshiiska Arimaha doorashooyinka dalka.

Maamulka Puntland ayaa dhankiisa soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay Farmaajo , wallow ay ka biya diideen in shirka lagu qabto magaalada Garowe, iyagoo ku baaqay in maadama ay mudda xileedka Farmaajo uu dhamaaday, in loo baahan yahay shirka in ay ka soo qeeyb galaan, Saamileeyda siyaasadeed ee dalka, Bulshada rayidka iyo Xubna ka socda beesha Caalamka, laguna qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka .

Dhankooda maamulka Jubbaland , Midawga Musharixiinta iyo Aqalka sare ayaa iyaguna ku baaqay in shirka uu ka qabsoomo magaalada Muqdisho, dhamaanna ay ka soo qeeyb galaan danleeyda siyaasadeed ee dalka .

Dowladda Soomaaliya ee mudda xileedka uu ka dhacay ayaana dhankeeda ka hadlin dib u dhaca ku yimid shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka.

Dhanka kale saaxibada caalamka ayaa sheegay in aynan mar marsiyo noqon doonin isqab qabsiga ka taagan goobta uu shirka ka dhacayo, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah loo kulmo.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu xilkiisa dhamaaday ayaa bilawgii bishaan ka soo cararay shirka Dhuusamareeb 4, oo looga hadlayay arimaha doorashooyinka dalka sababa la xirriira ismari waa isaga iyo madaxweeyaha Jubbaland soo kala dhex galay .

Fashilka shirka Dhuusamareeb 4 ayaa la sheegay in uu ka danbeyay Farmaajo oo la sheegay in uu diiidana ka tanaasulka Gobalka Gedo oo maamul ahaan hoostaga Jubbaland .

Xubanaha Musharixiinta ayaa markan ku baaqaya in si degdeg ah loo qabto shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka , iyagoo Farmaajo u sheegay in uu shirkaas kaliya kaga soo qeeyb galo isaga oo ah Musharax balse uusan madaxweeyne ku imaan.

Isqab qabsiga doorashada Soomaaliya ayaa walaac xoogan ku abuurtay dadka shacabka ah iyo Saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Sikastaba waxaa markale fashil ku dhaw in ay isfahmi waayan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo ay hadda muuqato in meel fog lakala taagan yahay .