U bood dhigaalka

Akhriso Miisaaniyadda 2017-ka: 15 Qodob Oo Mugdi Ku Jira

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa todobaadkan waxaa uu golaha shacabka ka hor akhriyay miisaaniyadda dowladda federaalka ah ee 2017-ka, in kasta oo Xildhibaannada ay ku kala qeyb sameen maalintaas, laakin waxaa la wareegay guddiga Maaliyadda oo talooyinkiisa soo hordhigi doona golaha, si dood kadib loo galo wejiga ansixinta miisaaniyadda.

Akhrin Ka dib, waxaa iiga soo baxday 15 qodob oo mugdi ku jira.

1. Miisaaniyadda Waa Mushaaraad Iyo Adeegyada Xafiisyada: Dowladda oo sharaxeysa Miisaaniyadda 2017-ka, waxaa ay ka sheegatay Kharashaadka ku baxa amniga iyo Mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah, taas oo sida ay sheegtay ka hor istaagtay in shacabka helaan adeeg caafimaad, waxbarasho iyo in la gaarsiiyo kobaca dhaqaale, waxaa kale uu horseeday in la bixin waayo dulsaarka, kabka gudaha, adeegga bulshada iyo maalgelin mashaariic. Keliya dakhliga ku jira gacanta dowladda ayaa qeyb ka ah sharciga qoondada miisaaniyadda iyo deeqo yar yar oo ah mashaariicda hey’adaha caalamiga ku bixiyaan Soomaaliya.

2. Shacabka Oo Diidaya Canshuur Bixin: Sida ku qoran miisaaniyadda 2017-ka, ku guuldareysashada dowladda ee qabashada adeegyada shacabka ka filayo dowladda waxay keeneysaa in shacabka ka biyo diido inay bixiyaan canshuuraha maadaama aysan helaynin wax adeeg ah, arrintan laga hadlay lama sheegin sida loo xallin doono!

3. Canshuuraha: Dowladda wax xog ah kama heysto shirkadaha gaarka ah, mana jirto canshuuro laga qaado sida ay sheegtay shirkadaha quwadda korontada, Hoteelada, shirkadaha isgaarsiinta, biyaha, NGOs-ka iyo shaqaalaha ajaanibta, waxaa intaasi ka daran canshuurta dowladda waa mid ku eg Ceelsha biyaha, Xamar aan dhihine maba dhaafsana Suuqyada sida iibka, canshuurta shaqaalaha dowladda, Licences, Dekadda iyo Airportiga.

4. Canshuurta Tobakada iyo Khat-ka: Canshuurta Tobakada iyo Khat-ka waxaa la soo jeediyay in tan hore la labo jibaaro halka Khat-kana $3 laga qaadi doono halkii kilo, arrinta la yaabka leh, oo caqabad noqon doonto, waxani go’aan ma aha ee waxaa wada hadal ka geli doona dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

5. Canshuurta Adeegga Dal Ku Galka: Waxaa la sheegay in la qaadi doono dadka dhoofaya $20, Lacagtan waxaa bixinaya qofka Soomaaliga iyo ajaanibta intaba…haddii Soomaalida laga qaadayo arrintaasi ma dhiirgelineyso dhaq-dhaqaaqa muwaadinka.

6. Canshuurta Isgaarsiinta: Sanadkan waxaa ay dowladda sheegeysaa in canshuurta isgaarsiinta noqon doonto qiyaas ahaan $100 Milyan halkii sanadkii hore ay ka aheyd $5 Milyan oo keliya, arrintan waxaa ay ku xiran tahay in golaha shacabka uu meelmariyo sharciga isgaarsiinta, waxaa kale oo la leeyahay waxaa shirkadahaasi ku baaqda lacag nus Biylan ku dhaw!

7. Nidaam Maaliyadeed Oo Tabar Daran: deeq bixiyeyaasha ayaa walaac ka muujiyay marinta lacagaha deeqaha khasnadda dowladda, arrintaasi waxaa ay keentay in mashaaricda iyo howlaha banii’aadnimo lacagaha ku baxa ee deeqaha ah aysan marin systemka dowladda dhexe oo banaanka ay maraan, waxaa intaa dheer iyada oo aan Soomaaliya loo ogoleen deymo iyo Bangiga Dhexe oo aad u tabar daran shaqadiisuna ku soo koobay in lacag la dhigto lagana baxo!

8. Miisaaniyadda Halkee Ku Baxdaa?: Miisaaniyadda sanadkan 2017-ka waa $245.9 Milyan, inta badan miisaaniyadda waxaa loo qoondeeyay, hey’adaha adeegga maamulka oo qoondadu tahay 136.8(55.6%) sanadkan waxaa ku cusub Aqalka sare, Hey’adaha adeegga difaaca oo qoondo ahaan helaya 79.9(32.5%), Hey’adaha adeegga dhaqaalaha oo heli doona 20.9(8.5%) iyo Hey’adaha adeegga bulshada oo qoondadu noqon doonto 8.3(3.4)….

9. Soomaaliya, Ma Leh Qasnad Dhexe: Dowladda waxaa ay qirtay in dalka aanu laheyn qasnad dhexe oo la dhigo dhaqaalaha gudaha ee dowladda federaalka ah iyo midka dowlad goboleedyada!

10. Aawey Lacagtii Ciidanka Xoogga Dalka?: sida ay qortay dowladda, dhammaan kharashaadka ciidanka xoogga waxaa bixinaya beesha caalamka, arrinta waxaa ay keentay in miisaaniyadda uu culeyskii ka dago, laakin qarashkii dowladda uga haray bixin la’aanta mushaaraadka dowladda 2017-ka looma leexin adeeg loogu qabanayo shacabka.

11. Mushaaraadka shaqaalaha Waa Mid Kor U Badan: Shaqaalaha rayidka ee dowladda guud ahaan waa: 5526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, dowladda waxaa ay miisaaniyadda ku sheegtay in ay ku dhib qabto tirada shaqaalaha Garade (A) lacagta ku qaata, farqiga u dhaxeeya mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo siyaasiyiinta iyo tirada wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda…shaqaalaha dowladda madaxda sare ayaa ka badan shaqaalaha hoose, arrintaasi kama dhacdo caalamka!

12. Turkiga Keliya Ayaa Miisaaniyadda Kabaya: Miisaaniyadda sanadkii hore waxaa ku jiray 20 Milyan oo Sacuudiga bixiyeen, Sanadkan Turkiga waa dalka keliya ee Miisaaniyadda Kabaya isaga oo bixin doona 2 Milyan bishii, Sababta dalalka kale u diideen kuma cada Miisaaniyadda 2017-ka.

13. Kheyraadka Lagama Faa’ideysto: Sida Miisaaniyadda 2017-ka ku qoran Soomaaliya waxaa ay soo dhoofsato ayaa afar jeer ka badan waxa ay dhoofiso, waxaa kale oo la yaab leh in badeecadaha iyo adeegyada la keeno lagu sameyn karo gudaha Soomaaliya.

14. Dowladda Oo Ka Sheegatay Ganacsiga Gaarka Ah: Sida ku qoran Miisaaniyadda, waxaa dowladda ay dhibaato ka heystaa siyaasadda dakhli uruurinta, waxaa kale oo ay soo qaadatay heshiiska canshuuraha ee dhex maray dowladda iyo shirkadaha taas oo ay leedahay waxaa ay hoos u dhigeysaa dakhliga dowladda iyo in ay caqabad ku tahay in loo gudbo canshuurtii saxda aheyd.

15. Qorshe Dakhli Ururin Lama Hirgelin: Dowladda waxaa ay leedahay waxaa jira qorshe dakhli ururin oo sugaya caawinaad beesha caalamka….iyaga oo rajo ka qabaya in golaha shacabka ansixiyo sharciga isgaarsiinta si loo helo canshuur dhan 100 Milyan oo Dollar sanadka 2017-ka.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News