U bood dhigaalka

Akhriso: Is Fahamkii Badda(MOU)-ga Ee Ay Kala Saxiixdeen Soomaaliya Iyo Kenya

Sheeko:Dalka

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa April 7, 2009 kala saxiixday heshiis is faham ah, MOU-gan oo Maxkamadda ICJ iyo Soomaalida ay hadal-hayeen  maalmihii la soo dhaafay weligaa ma akhrisay, qodobadiisa ma fahamtay, Hadaba halkan ka akhriso si aan lagaaga sheekeyn.

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta ee Qaaradda iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey.

Heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday, waxaana eedda dusha laga saaray Cumar Cabdirashid oo ra’isul wasaare ahaa dalka xilligaas iyo wasiirka saxiixay oo ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Qodobada Heshiiska:

In labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km).

In Loo Gudbiyo  guddiga xadeynta ee Qaaradda iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Heshiikan Is Fahamka lagu sheegay  waxaa ku xusan in uu jiro dhul badeed aan calaamadeysneen oo lagu muran san yahay oo u dhaxeeyay labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labada Dal waxaa ay isla gargaateen in ay jiraan Dano mid weliba oo Soomaaliya iyo Kenya ka tirsan ay ka leeyihiin Xadeynta Qalfoofta, Laakin waxaa ay isla qireen in ay jiraan dano arrintaas ka weyn oo ay leeyihiin Xadeynta ama in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ay ku heshiiyeen in badda lagu muran san yahay ee xuduudda labada dal aan laga hadlin xiligaas MOU-ga ee dib la isaga yimaado.

MOU-ga shaqo kuma laha  Badda lagu muran san yahay ee u dhaxeysa labada dal, waxaa laga hadlayo waa sidii labada dal ay xuquuq u soo dhacsan lahaayeen oo qaramada midoobey ogolaatay in dalalka codsan karaan in dalalka loo ogol yahay in ay wax ku darsadaan biyaha ka baxsan  ama fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km)

Hadaba Halkan Ka Akhri Heshiiska:

warqa1 warqa2 warqa3 warqa5