U bood dhigaalka

Akhriso: Muwaadin Talyaaniga 18 sano Ku Xirnaa oo Qarax Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Nin Soomaali ah oo muddo 17 sano ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga, balse markii dambe lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay ayaa saaka lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Cumar Xaashi Xasan ayaa dhintay kadib markii gaari uu watay loogu xiray  walxaha qarxa uu ku qarxay degmada  Dharkiinley .

Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee dalka Talyaaniga ayaa sii deysay Cumar Xaashi Xasan, 19-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii, kaddib markii ay caddaysay in si qalad ah loogu xukumay.

Axmed Cali Raage oo ahaa marqaatigii ku marag furay Xaashi ayaa sanadkii 2015 maxkamada ka hor sheegay in loo soo tababaray in uu ku marqaati furo Xasan.

Xasan ayaa lagu eedeyay dil  sanadkii 1994-kii loo geystay  weriyaha Talyaaniga ee Ilaria Alpi iyo sawir qaade Milan Hrovatin bishii March 20, 1994-kii, xilligaasi oo ay Soomaaliya ka socdeen dagaallo sokeeye.

Kadib markii lagu waayay dambiga lagu soo oogay maxkamada Talyaaniga ayaa bishii March ee sanadkan 2018 ku xukuntay 3.1 milyan oo Yuuro.

Goobjoog News