U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Baarista Hanti-dhowrka Ee Gobolka Banaadir Janaayo-Juun 2018

Sheeko:War

Hanti-dhowraha guud ee qaranka ayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo waxaa uu baaris ku sameeyey dowladda hoose ee Xamar Janaayo ilaa Juun ee sanadkan 2018-ka, lixdaas bil gobolka Banaadir wuxuu qarash gareeyey $16, 556, 504,75, waxaa ku jirto 5 Milyan Dollar oo aan caddeyn loo heyn meesha ay ku baxday.

Hanti-dhowrka waxaa uu sheegay inay jirto khidmad laga goosto lacagta canshuurta inta aan la xareyn, buugaagta oo aan caddeyn loo heyn, dhakhliga oo aan lagu sameyn tirakoob, dowladda hoose oo aan laheyn miisaaniyad sanadeed, Kharshaadka  Dowladda  Hoose oo aan lahayn caddeymo dhammaystiran, Hay’ado   iyo shakhsiyaad  ka baxsan  Dowladda  Hoose oo si  joogta  ah lacag  uga qaata  Dowladda, Habraaca  Iibka  Dowladda Hoose   iyo qandaraasyada  oo aan   loo marin  tartan  furan, Waaxda  Kormeerka  iyo Baarista  (Internal Audit) ee Dowladda Hoose oo aan ahayn mid xoogan  si hufana u gudan karta waajibaadka  loo idmaday, Dowladda  Hoose’oo leh sharci  shaqaale  duqoobay oo aan la jaanqaadi  karin xiligan,  ma laha hab lagu maamuli karo hantidad guurtada ah iyo ma guurtada, ma laha waax u gaar ah heshiisyada iyo mashaariicda.

Meelaha la baaray waxaa ka mid ah: Dakhliga, Miisaaniyadda,   Kharashaadka, Habka  Iibka,   Shaqalaaha,   Qaab   dhismeedka,   Heshiisyada, Mashaariicda, Deymahaiyo  Hantida Guurtada iyo Maguurtada iyo arrimo kale.

Tuusaale ahaan, deymaha Dowladda  hoose ay gashay sannadka 2018 waxay isugu jiraan Deyn la sheegay in ay ku leeyihiin  Shirkaddo  ay gaadiid  ka ‘qaadatay  dowladda Hoose,  shirkado  biyo  dhuuqis  sameeyey, Shirkado dhisay qaar ka mid ah waddooyiinka Magaalada Muqdisho iyo deyn lagu bixiyey afurin loo sarneeyey dad masaakiin ah,

Deymaha Lagu Leeyahay Gobolka Banaadir  Jan-June 2018.   

Qalabayn  Xafiis : $47,691, Internet: $79,035.50, Afurin Dad masaakiin ah: $327,398, Biyo Dhuuqis: $52,277.25, Qalabayn Xafiis:  $25,405, Korontada: $86,765.91, Biyo Dhuqis: $58,725, Biyo Dhuuqis: $56,140 , iibin Gaadiid: $314,749 . Dhammaan marka la isugu geeyo deynta lagu leeyahay dowladda hoose ee gobolka Banaadir waa: $1,048,186.66

Arrimaha Dakhliga:

Dowladda Hoose dakhliga ay qabato  waxa uu ka  soo galaa canshuuraha ay ka qaadaan dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir,  Buugaagta ay Dowladda   Hoose u isticmaasho   dakhli qabashada iyaga ayaa soo daabacda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda wuxuu u tiimbareeyaa buugga dushiisa iyadoo Waaxyaha dakhli qabashaduna ay buugaagta  ka qaataan Xafiiska  Tashiilka Dowladda Hoose ee Xamar.

Ilaha uu dakhligu ka soo galo Dawladda Hoose waxay kala yihiin:-

  1. Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada.
  2. Waaxda Dad Dhigista ..
  3. Waaxda Caapmaacifa.
  4. Waaxda Canshuuraha
  5. Waaxda Adeegyada
  6. Waaxda Suuqyada
  7. Waaxda Maamulka Dliulka
  8. Waaxda .Nadaafadda . .  ‘ .
  9. Guddiga Khilaafaadka Dhulka

Waaxyha dakhli qabashada DowladdaHoose  waxay dakhliga ay qabtaan ka goosanjireen boqoleey (%) ka hor inta aysan u gudbin  Khasnadda-  Guud ee Dowladda Hoose. Waaxyaha goosan jiray dakhliga waxay kala ahaayeen:  Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada, Iskaatada   Gaadiidleyda. Arrinkaas wuxuu muujinayaa habacsanaan iyo hubin la’aan kajirta  Dowladda Hoose sababtayna in lagu xad gudbo Sharciga  Maamulka  iyo Maaliyadda  Dalka Sharci  Lambar  317 ee soo  baxay 1711211962 qodobkiisa 34aad oo sheegaya in dakhli la qabtay aan la isticmaali karin ka hor lnta aan lagu xarayn Kliasanadda Dhexe ee Dowladda.

Muddadii aan baarista ku jirnay waxaan ogaanay in Dowladda Hoose aysan lahayn habraac tariifo, tariifooyinka canshuuraha lagu qaadana ‘ay  yihiin kuwo ay dajiyeen Guddoomiyayaashii hore ee soo maray Gobolka Banaadir -.  Sidoo kale waxaan ogaanay in Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ay tariifo la’aan  dakhli qabato Iyadoo aanay jirin taariifo rasmi ah ay Waaxdu canshuur kaga qaado maraakiibta raashinka iyodadka lop sameeyo kaararka aqoonsiyada (ID Cards).

Habka lacag qabashada Dowladda Hoose ayaa ah mid aad u liita oo danbeeya, manajiro nidaam guud oo loo maro qabashada ‘iyo keydka dukiunintiyada dakhliga, taasoo keentay in la waayo qaar ka mid ah dukumintiyadii lagu qabtay dakhliga, waxaana muuqata .in ia baalmaray Sharciga Maamulka iyo Maaliyadda  Dalka Sli~rci Lambar 317 ee 1711211962. Qodobkiisa  160aad Farqadiisa  2aad oo sheegaya   in foojarada   lacag .  bixinta,   buugaagta  dakhliga  ee  dhammaaday   iyo  dliwaanada xisaabaadka  la baabi’in  karo toddoba (7) sa110 kadib.. {Eeg Lifaaqa warqada lagu amray Waaxda Caafimaadka.in  ay dakhliga k11 qabato),

Dakhliga  ay  soo  uruuriyaan  Waaxyaha  dakhliga  qabta waxay  geyn jireen  Khasnadda  Guud  ee Dowladda Hoose, ka dibna waxaa lagu shubi jirey koontooyinka Bangiga Dhexe uga furan. Majirto wax halbeeg ah oo ay Dowladda Hoose ku cabirto dakhliga sannadlaha ee soo gala. Canshuuraha laga uruuriyo Degmooyinka  Gobolka Banaadir ayaan si dheeli tiran loo soo wada uruurin, iyadoo Degmooyin  cayiman  xoogga Ia  saaro  halka  kuwa kalana  aan  sidii la rabay  looga  soo  uruurin canshuuraha.

Kharashaadka:

Dowladda  Hoose intii aan, baarista  ku guda jirnay  waxaan  ogaanay  in aysan lahayn  Miisaaniyad sannadeed  qorshaysan  oo ay  ansixiyeen  Guddi k madax banaan  Maamulka  Gobolka  Banaadir, laguna  saleeyay dakhliga  guud ee Dowladda  Hoose u soo xarooda. Taasi waxay dhalisay in aysan xakamaysnayn    qaabka   ay   kharashaadka   Dowladda   Hoose   ku  baxaan,   loona  bixiyo  si  aan qorshaysnayn.

Waxaa jiray  in Hay’ado  iyo  shaqsiyaad  ka baxsan Dowiadda Hoose si joogta  ah loo  siiyay lacago laga qaaday canshuur bixiyayaasha  .iyadoo aysan jirin wax heshiis ah aan aragnay oo la galay.

Lixdii  bilood  ee hore  sannadka  20’18 Dowladda  Hoose waxay  kharash  garaysay  S 16,556,504.75, dhammaan  kharashkaas  intiisa  badan ma lahayn  wax caddeymo ku filan (support documents), sidoo kalana  lagama  samayn  wax xisaab celin ah sidii  loo kharash gareeyey. Muddadii baarista waxaan ogaanay  in jeegagga   lacag  bixinta  Dowladda  Hoose  lagu qoro  magaca  Khasnajiga  Guud  si  uu Bangiga   Dhexe  uga  soo  qaado,   caddadka  lacagaha  lagu  qoray  magaca  Khasnajiga  Guud  ayaa dhammaa  SS,972,085.82,   manajirin  wax caddeynaya in dadkii la siinayay  lacagahaas  la gaarsiiyay

Goobjoog News