U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Doorashada Seddax Kursi Oo Maanta Ka Dhacday Baydhabo

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashada seddax kursi oo maanta lagu qabtay magalaada.

Kursiga koowaad ee doorashadiisu dhacday ayaa sumaddiisu ay tahay HOP#180 , waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala ah Saadad Maxamed Daahir iyo Maxamed Axmed Maxamed.

Saadaad oo ku soo baxay kursiga ayaa helay 87 cod, halka uu Maxamed Axmed Maxamed oo laga guuleystay uu helay 9 cod.

Waxaana sidaas kursiga tirsigiisu yahay HOP#180  , ugu soo baxay Saadad Maxamed Daahir.

Kursiga labaad ee doorashadiisa maanta ay dhacsay ayaa sumaddiisu ay tahay #HOP213 , waxaana kuwada tartamay musharixiinta kala Ah Aamina Maxamed Mursal iyo Aamina Xuseen.

Aamina Maxamed Mursal oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#213 , ayaa heshay 79 cod, halka ay Aamina Xuseen ay heshay 12 cod.

Waxaa sidaas kursiga sumaddiisu tahay HOP#213 , ugu soo baxay Aamina Maxamed Mursal.

Kursiga seddaxaad ee doorashadiisu maanta ay ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah dowlad gobaleedka Koonfur galbeed kaas oo ay sumaddiisu tahay HOP#154, ayna kuwada tartamayeen musharixiinta kala ah Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Fardowsa Ibraahim Cali.

Xildhibaanad Sareedo oo ku guuleystay kursiga sumaddiisu ay tahay #HOP154, ayaa heshay 89 cod, halka ay Fardowsa Ibraahim ay heshay 8 cod.

Waana sidaan ugu soo baxday kursiga HOP#154, Sareedo Maxamed Cabdalla.

Guud ahaan seddaxda kursi ee maanta la doortay ayaa ku biiri doona 7 kursi oo horay loogu doortay magaalada baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed