U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Doorashada Shan Kursi Oo Maanta Lagu Doortay Puntland

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Garowe lagu soo gabagabeeyey doorashada 5 kursi oo saakay ka bilaabatay magalaada, waxaana kusoo baxay 5 xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka Soomaaliya.

Kursiga hop#196 ayaa waxaa kusoo baxay waxaa kusoo baxay Cabdi Ibraahib Qowdhan, waxaana uu kaga guuleystay codad gaara 90 tartamihii la loolamayey uu helay 6 cod oo ah 101 Ergo oo u codeeyey labada Musharax.

Kursiga tirsigiisu yahay hop#200 ayaa waxaa ku soo baxay Cali Yuusuf Cali Xoosh, oo musharaxii la tartamaayey kaga guuleystay codad gaaraya 93 cod, waxaana uu ka guuleystay Cabdiwaaxid Abshir Ibraahim oo helay 8 cod.

Kursiga tirsigiisu yahay #249 ayaa waxaa kusoo baxay Cabdullaahi Xasan Rooble oo 93 cod kaga guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Ciise oo helay 8 cod ergadii codadkooda dhiibtay.

Kursiga tirsigiigu yahay hop#235 ayaa waxaa kusoo baxay wasiirkii hore Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaana uu 99 kaga guuleystay Cabdi Xakiin Xasan Jaamac oo helay 2 cod.

Kursiga tirsigiisu yahay hop#166 ayaa waxaa kusoo baxay Axmed Taajir oo 98 codadkii la dhiibtay, waxaana uu ka guuleystay Axmed Cabdisalaam Ibraahim oo helay 3 cod codadkii ay dhiibteen 101 Ergo oo codeynayey.

Goobjoog News