U bood dhigaalka

Akhriso Nuxurka Khudbadaha Madaxda Dowlad Goboleeyada dalka

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland shirka golaha iskaashiga maamul goboleeyada dalka oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweynayaasha Maamullada.

Haddaba halkan Ka Akhriso nuxurka Khudbadaha Madaxweynayaasha Maamul goboleeyada dalka:

Khudbadda C/weli Maxamed Cali Gaas

“Sharaf bay nootahay in Marlabaad iskugu nimaadno shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada dalka oo looga tashanayo Mustaqbalka iyo aayaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha aan u aragno in ay muhiim yihiin ee dhanka Siyaasadda,Amniga,Dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo barashada is dhexgalka dowlad goboleedyada .

Waxaa uu shirkan ku soo beegmay Wakhti xasaasi ah Soomaaliya gaar ahaan dhanka Siyaasadda iyo amniga labaduba,Soomaaliya waxaa ay mareysaa xaalad Khatar ah xaaladaha nucaasi ah eek ala guurka ah waxaa loobaahanyahay runtii sid adag in indhaha loogu hayo si dhowna looga warqabo taas ayaa keentay Shirkan .

Shirka waxaa uu diiradda saari doonaa arrimo muhiim ah arrimahaasi waa labo qeybood qeyb waxaa weeye waxaa ka dhaxeeya dowlad goboleedyada Waxa ay wadaagaan danahooda khaaska ah, midna waxaa weeye midda dowlad goboleedka ay la wadaagto dowladda dhexe iyo ajandaha Soomaaliya labadubaDabcan waxaa jira dano gaar ah oo ka dhaxeeya dowlad goboleedyada taasina waxaa ay hoos imaaneysaa midda guud ee Soomaaliya .

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah xidid maahan xigaalo maahan Saaxiibo maahan qaraabo maahan waxaa ka dhaxeeyo waa shaqo umaddaa loo shaqeynayaa  marka waxaan leenahay mas’uuliyaddaasi halgu wada shaqeeyo hana la isku ixtiraamo” .

Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare

“Afartan sano kadib anagoo intii ka tabar yar oo taladeennada ay weli kala baahsantahay oo dagaallo qabiil ay weli jiraan oo dib u heshiisiin dhab ah aan la sameynin ayaa mar labaad hadana gobolka waxaa ka kacay duufaan kale waxaan halis ugu jirnaa in aan ilduuf labaad galno oo la mid ah kii dhacday sagaashamaadkii oo aan ku wareerno duufaantaan marka labaad kacday oo awoodo Milatari iyo kuwo dhaqaale ay ku tartamayaan kheyraadka iyo Istiraatiijiyadda Soomaaliya halka ay ku taallo waxaa arrintaasi ku jira wadamo deris ah kuwo gobol ah iyo kuwo caalami ah sababtuna wax kale ma ahane meesha aan ku naal ayaa qasbeysa in cid walba danaheeda nagu waardiyeysato.

Si aan duufaantaas mar labaad aanu ugu il duufin waxaa muhiim ah in aan taariikhda wax ka baranno oo aan tashanno waa arrin ka weyn koox yar in ay isbiddo in dadka ay ka caqli badantahay, kawa daniyadsantahay ka toosantahay kana cilmi badantahay .

Waa arrin ka weyn Mucaarad iyo Muxaafad waa arrin ka weyn dowlad fedaraal iyo maamul goboleed waa arrin u baahan Soomaali oo dhan shacab iyo dowlad in laga tashado, sababtoo ah anagoo sidaan ah tabarteenna iyo taladeenna haddii aan galno khaladkii oo kale markaan waxaan halis ugu jirnaa in annagoo fiirineyna waddankeenna iyo Kheyraadkeenna ayadoo nala ka talo gelin la qaato.

Waxaan halis ugu jirnaa dowladnimada iyo calanka aan ku hoos jirno inaan weyno waxaan halis ugu jirnaa qoomiyadda Soomaalinimada in la waayo sidaas daraateed Khatarta na hoos taal ma ahan khatar sahlan waa arrin u baahan in aan isweydiinno su’aalo Muhiim ah .

Waa maxay danta Soomaalida annaga qaranka Soomaaliya haddaan nahay horta danteenna maxay tahay maxaan deriska ka leenahay maxaan gobolka ka leenahay maxaa caalamka ka leenahay oo aan qeexno danteenna aduunka Saaxiibtinnimo, qaraabo iyo xidid laguma joogo waxaa lagu joogaa dan Waa inaan isweydiinaa yaa saaxiib nala ah illeen kaligeen ma noolaan karno yaa saaxiib nala ah yaa xulufo nala ah yaa danwadaagnaa” .

Khudbadda Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan

“Waxaa la isku hagranayaa Shabaabka arrimihiisa sababtoo ah dowladda Federaalka mar aysan wax heyn waa ay jirtaa lkin hadda oo cid walba ay ogtahay rasaasta ay heso in ilmihii soo dhinta diyaar u ahaa oo Shabaab la dagaalamayay in rasaas ay siin weydo horoyana ay raashin u siin weyday daawo u siin weyday maxay na tuseysaa arrintaas.

Waxaa ay na tuseysaa in aan isku aragti laga aheyn sida Alshabaab loola dagaalamayo, dowladda Federaalka oo ah isha annaga wax noo qabata shirar badan ayaa la yeelanay shirarkii iyaga ahaa wixii lagu hehsiiyay maxaa ka hirgalay maxaase ka hirgalin wixii hirgalay sidey u hirgaleen wixii gali waayay maxay ku maqanyihiin maamulladaa ma dowladda Fedaraalkaa ma beesha caalamkaa waa in la si warasado haddii intaasi oo dhan la isku keeno waxaan aaminsanahy in wax badan ay soo bixi doonaan”.

Khudbadda Madaxweyne  Axmed Ducaale Geele Xaaf

“Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo aan u qabtay wax badan oo aan Dhuusomareeb geeyay waxaa ay iigu xijiyeen Xaaf waa inuu baxaa hal heyska Madaxda dowladda Federaalka waa Xaaf inuu baxo intee aadaa odayga waa kii dad soo dhoweeyay .

Wakhti dambe uu u tartamo uma harin intii la I dhihi lahaa wakhtiga yarka sii dhameyso aad iyo aad ayey nasiib darro u tahay, Soomaaliya waxaa ay u baahantahay dib u heshiisiin mana dhamaato dib u heshiisiinta labada qod oo la heshiisiinayo haddii uu qof samro waxbaa ka hagaago haddii uu midna samri waayo waxba kama hagaagaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay ku jirtaa kanna saar kanna siib ayay maamul goboleedyada ku heysaa ma oga waxa dalka ka socda wasiirradii waa la mid taliyaashii ciidamada waa la mid haatanna intoodii kooxda ahaa ayaaba iskaga daray”.

Goobjoog News