U bood dhigaalka

AKHRISO: ONLF Oo Faah Faahisay Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Farmaajo Iyo Guddoomiyahooda

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ayaa qoraal uu soo saaray faah faahin dheer kaga bixiyey kulankii magaalada Asmara ee xarunta wadanka Eritrea ku dhexmaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo sidoo  kale guddoomiyaha ururkan Maxamed Cumar Cismaan.

Qoraalka ONLF ayaa sidan u qornaa:

Markii ay taariikhdu ahayd 28/07/2018, waxaa magaalada Casmara ee waddanka Eritrea ku kulmay Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) Admiral Mohamed Omar Osmaan iyo madaxwaynaha dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, oo booqasho rasmi ah ku joogay waddanka Eritrea.

Kulanku wuxuu dhacay, ka dib markii madaxwaynaha Soomaaliya uu codsaday inuu la kulmo guddoomiyaha JWXO, si ay uga wadahadlaan dhibaatooyinkii ka dhashay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay gumaysiga Itoobiya ugu gacan gelisay halgame C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) iyo go’aankii uu Golaha Wasiirradu soo saaray ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Wadahadal qoto-dheer oo Labada masuul dhex-maray ka dib, wuxuu madaxwaynaha Soomaaliya ka garaabay falkii sharci darrada ahaa ee dowlada Soomaaliya ay kula kacday halgame C/kariim Sh Muuse, wuxuuna sheegay in falkaasi ahaa mid si khalad ah ku dhacay.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) waxay soo dhawaynaysaa kulanka dhex-maray labada dhinac iyo natiijooyinka ka soo baxay, waxayna rumaysan tahay in kulankaasi uu dhabbaha u xaadhi karo in la wanaajiyo xidhiidhka u dhexeeya JWXO iyo dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya.

Si loo dhammaystiro wixii ka soo baxay kulankaas, waxay JWXO ka sugaysaa dowlada fedaraalka ah ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyinka soo socda; Inay buriso go’aankii Golaha Wasiirrada ee dowlada fedaraalka Soomaaliya ka soo baxay 06 September 2017 ee ahaa in JWXO ay tahay urur argagixiso ah.

Iyo inay cudurdaar rasmi ah ka bixiso falkii sharci darrada ahaa, oo dhaawac wayn u gaystay halgame C/kariim Sh Muuse iyo dadwaynaha Soomaaliyeed oo dhan, meel kastoo ay joogaan.