U bood dhigaalka

Akhriso Oo Dhageyso: Khudbadda Madaxweyne Gaas Uga Hadlay Horumarka Ka Socda Hey’adaha Dowliga Ah Ee Puntland

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiweli Gaas ayaa maanta waxaa uu khudbad dheer ka jeediyay xafladda furitaanka kalfadhiga 40aad ee wakiillada Puntland isaga oo ka hadlay howlaha xukuumadiisa ee dhanka Ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, Kaabayaasha dhaqaale iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah.

Mr. Gaas waxaa uu martida u sheegay Taariikhda Puntland“Haddii aan mas’uuliyiinta labada aqal ee baarlamanka ee dowladda federaalka ah waxyar ka xusuusiyo taariikhda hoolkan aan fadhinno, waa aqalka wakiillada Puntland, Puntland waxaa lagu doortay 4 madaxweyne, waxaa ay ku dhawaad jirtaa 20 sano, halka dhinaca kale, dowladda federaalka ah waxaa soo maray 5 madaxweyne oo 3 bannaanka lagu soo doortay iyo 2 gudaha lagu doortay, waxaa ay jirtaa 17 sano, halkaas ayey Puntland ku tahay curadka hannaanka dowladnimo ee federaaleynta ee Soomaaliya”

Mar uu ka hadlay shaqada Xukuumaddiisa ee bilihii la soo dhaafay waxaa uu yiri“ Dowladda waxaa ay qabatay shaqooyin kooban maadaama waqtiga uu yahay 4 bilood oo keliya, shaqooyinkaas oo taabanaya dhinaca ammaanka, dhiirigelinta ganacsiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, siyaasadda, kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah iyo isku xirka heerarka federaalka ah gaar ahaan dowlaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya”

Ammaanka:

Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dheeraaday arrimaha ammaanka “Mudanayaal sida aad wada ogsoon tihiin, guud ahaan xaaladda amni ee Puntland bilihii July, August, September iyo October 2017, waa wanaagsan yahay balse maadaama Puntland ay ka mid tahay dalweynaha Soomaaliya, waxaa mararka qaarkood dhacda falal fulaynimo iyo gaadmo ah oo ay geystaan kooxaha argigixisada ah ee Shabaab iyo Daacish iyo huwantooda, waxaana ka mid ah qaraxyadii la qabtay dagaalkii Afurur iyo gaadmadii Korntoroolka Boosaaso, waxaa ay dowladda amartay in ay hey’adaha amniga adkeeyaan xeebaha Puntland , waxaa ay dowladda fartay hubinta iyo baaridda gaadiidka soo galaya xuduudaha Puntland…waxaa ay dowladda sameysay qorshaha isku xirka saldhigyada iyo xaafadaha oo laga hirgeliyay degmooyinka Boosaaso, Qardho, Galkacyo iyo Garoowe taasi oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka booliiska iyo shacabka , waxaana la diyaariyay qorshaha Booliiska Puntland 10ka sano ee soo socda,  waxaa ay dowladda keentay sheybaar lagu baaryo dhiiga iyo unugyadiisa DNA, laguna rakibay caasimaddiisa Puntland ee Garoowe , waxaa uu ciidamada CID-da ka caawind-doonaa dambi-baarista iyo sugidda xogta dambiilayaasha”.

Arrimaha Bulshada:

Arrimaha bulshada waxaa uu ka sheegay“Dowladda waxaa ay hirgelisay, siyaasadda heynta shaqaalaha, siyaasadda anshaxa shaqaalaha, siyaasadda hawl-gabka shaqaalaha, siyaasadda ku haboonaashaha shaqada, siyaasadda horumarinta xirfadlaha, siyaasadda hagidda iyo diyaarinta shaqaalaha, siyaasadda kala asteynta shaqooyinka hey’adaha dowliga ah”, waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dib-u-habeyn lagu sameeyay 21 hey’adood si ay ula jaan-qaadaan qarnaigan 21aad iyo waxaa ay hirgelisay Nidaamka kala qeexidda shaqaalaha iyo mas’uuliyadaha shaqaalaha dowladda kaas oo soo afjaraya khilaaf xuduudeedka hey’adaha dowladda iyo machadka tababarka shaqaalaha dowladda oo la hirgeliyay oo la bilaabay tababarkooda.

Arrimaha Caafimaadka:

Arrimaha Caafimaadka waxaa uu soo qaatay in dowladda Puntland ay daah-furtay barnaamijyo caafimaad oo soconaya 4 sano, 19 xarumood oo ku yaalla Sool(11) iyo Sanaag(8), waxaa kale oo socda dhismaha Isbitaallo cusub, Isbitaalka qaaxada Galkacyo oo xariga laga jaray iyo 41 bukaan oo HIV and AIDS  qaba oo hadda 38 daawo loo bilaabay.

Waxbarasho:

Waxaa ay dowladda Puntland dejisay  qorshaha waxbrashada 5ta sano ee soo socota, waxa ay dowladda deeq waxbarsho siiyay 400 oo ardey 2016/2017 gudaha dalka iyo dibadiisaba, sidoo kale dowladda waxa ay deeq waxbarasho ee Degree iyo Master ah siiyay 30 qof oo ka tirsan shaqaalaha dowladda si xirfadooda iyo tayadooda kor loogu qaado, waxa ay sanadkan soo kordhisay wasaaraddu 2650 ardey oo danyar ah iyo kuwa meelaha fog-fog ku nool.

Howlaha Guud:

Fiditaanka magaalooyinka waaweyn, 11 waddo oo laami, waxaa kale oo gabagabo maraya 32 mashruuc, waxaa lagu tababaray nidaamka xisaab celinta oo 40 degmo ka faa’ideysan doonaan, keydinta xogta dowladda…… barakacaaysha  Boosaaso 2, 7744 oo ka mid ah 38 kaam oo barakacayaasha 845 guri ayaa loo dhisay, waxaa kale 661 oo u dhashay Yemen oo la qaabilay, 380 oo Soomaalida Yemen ka soo laabtay oo la dejiyay.

Golaha Dowladaha Xubnaha Ka Ah Dowladda Federaalka Ah:

Arrimha dastuurka iyo xeerarka waxaa uu sheegay in ay isku badaleen wax aan lagu saleyneyn arrimo aan maslaxadda ku jirin, iyada oo la joojiyay sidii looga wada tashtay.

Dhageyso, Khudbadda madaxweyne Cabdiweli Gaas oo Dhameystiran: