U bood dhigaalka

Akhriso: Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda Oo Dhameystiran

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho sabtidii lagu soo gabagabeeyay shir ay soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka oo looga tashanayo Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda, shirkan oo saddex maalin socday waxaa ka qeybgalay maamul goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, waxaa xoogga lagu saaray qodobada sharciga sida Jinsiyad qaadsho, Soomaalinnimo, Jinsiyad Siismo, Jinsiyad Laawe, Qaxooti, Labo Jinsiile, Xuquuqa Caruurta ee Jinsiyadda, Jinsiyad guur lagu helay iyo Jinsiyad sharafeed iyo sababaha lagu waayi karo mid walba.

Akhriso: Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda

Qodobka 1aad:

Fasiraad:

Marka la raacayo sharcigan waxey erayadan soo socda leeyihiin micnaha mid waliba ku hor qoran:

Qaan-gaar: waa 18 sano

Ilmo: waa inta ka yar 18 sano

Jinsiyad siismo:, waa Shisheeye qaadanaya Jinsiyad,

Maxkamad: Waa hay’ad sharci fulineed,

Laba Jinsiyadle: qof haysta dhalasho labo waddan.

Qoys: Waa waalid ama qof qaarabo ah oo mas’uul ka ah ilmo.

Shisheeye: qof aan ahayn muwaadin Soomaaliyeed

Guur: waa lab iyo dhedig isku guursaday qaab sharci ah

Guur Xeeladeysan: Guur dano gaar ah laga leeyahay.

Wasiirka: waa midka arrimaha gudaha iyo federaalka.

Waalid: qof wax dhalay ama korinaya

Daryeel sharci ah: qof maxkamad ama hay’ad u xil saartay daryeelka.

Xeer Nidaamiye: xeer ay diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha

Degganaashiyo: Maqaamsharciyeed uu leeyahay qof shisheeye

Soomaaliya: waa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muwaadin Soomaali ah: qof kasta oo haysta Jinsiyadda Soomaaliya

Guddi gaar ah waxaa loola jeedaa, codsiga dadka raba Jinsiyadda.

Lamaane: nin iyo naag sharci isku qaba.

Jinsiyad Laawe: qof aan lahayn Jinsiyad waddan kale.

Qodobka 2aad:

Qaadashada Jinsiyadda waxaa lagu heli karaa iyadoo loo maro qaabka sharciga ku qeexan.

Qodobka 3aad:

Qeexid  Soomaalinnimo: ujeedada sharciga waa in qof kasta oo isirkiisa ka soo jeedo Soomaaliya ama dhaqan  iyo Luuqad ahaanba ka mid ah ummadda Soomaaliyeed loo aqoonsado in uu yahay Soomaali.

Qodobka 4aad:

Jinsiyadda lagu heli karo in qofka ku dhashay ama isir ahaan Soomaali yahay:

Qof ka si toos ah ayuu u helayaa sharcigan dhaqan galkiisa ka hor iyo kadibba: Haddii xiliga uu dhashay labadiisa waalid midkood ahaa Soomaali, Uu ku dhashay, Labadiisa waalid midkoodna uu ku dhashay Soomaaliya iyo in uu yahay ilmo Jinsiyad laawe oo ku dhashay Soomaali

Qof sharciga ku qaatay degaanshiyo.

Qofka Soomaaliga ah ee degan wadan kale, waxaa uu qaadan karaa Jinsiyaddiisa sida ku qoran sharcigan.

Habraacad Jinsiyad qaadayasaha ee ku aaddan qofka ku dhashay dalka ama isir ahaan ka soo jeeda waxaa loo marayaa siwaafaqsan sharciga dalka.

Qodobka 5aad:

Qaadashada Jinsiyadda Siismaha ah: Jinsiyadda Soomaaliga waxaa la siin karaa:

Qof Qaangaar ah

In uu yaqaano luqadda iyo dhaqanka

In uu yaqaano waajibaadka qofka Soomaaliga ah

In uu dalka ku noolaa 8 sano inta aanu dalban jinsiyad.

Aanu muteysan xabsi 3 sano iyo in ka badan mudada 8da sano ah ee uu joogay dalka.

Uu u hogaansamay sharciga canshuuraha dalka iyo sharciyada kale.

In aanu dalka ka maqneyn 6 bil oo xiriir ah.

Aaney ku socon Maxkamad Fal-Dambiyeed oo xukunka noqon karo 3 sano iyo in aaney socon qabanqaabo dalka looga masaafurinayo xiliga dalbashada.

Qofka ma dalban karo Jinsiyad haddii 8-da sano uu ahaa:

  1. Danjire, Qunsul ama shaqaale dal kale.
  2. Shaqaale shisheeye oo u shaqeeyay qof ka tirsan qodobka (dh)(1)
  3. Ciidamada Nabad Ilaalinta

Habraaca qof uu u marayo waxaa lagu qeexayaa Xeer-Nidaamiye u gaar ah sharcigan.

Xuquuqda qofka Jinsiyad Laawaha ah:

Waxaa loo ogaalanayaa degenaansho sharci ah.

Waxaa uu qaadan karaa Jinsiyad haddii uu buuxiyo shuruudaha laga rabo xiliga uu Jinsiyadda qaadanayo oo ah:

In uu Qaan gaar yahay

In uu dalka ku nolaa 3 sano ka hor marka uu Jinsiyadda codsanaayo.

In Maxkamad aaney ku xukumin 3 sano mudda 3da sano ah uu dalka ku noolaa iyo in aanu dambi siyaasadeed ka gelin dal kale.

In aanu dalka ka maqnaan 6 bil mudadaas 3da sano ah.

Habraaca uu qofka sharci u marayo waxaa uu noqonayaa sida uu qabo sharciga.

Xuquuqda Qaxootiga:

Qof kasta oo Jamhuuriyadda Soomaaliya u aqoonsato qaxooti waxaa loo ogolaanayaa degenaansho sharci ah iyadoo la tixgelinaayo xaaladiisa gaarka ah, lana raacayo sharciga la xiriira qaxootiga.

Qofka qaxootiga ah waxaa uu qaadan Jinsiyadda sida uu dhigaayo sharciga la xiriira qaxootiga.

Qodobka 6aad:

Laba-Jinsiyadle

Qofka Soomaaliga ah waxaa uu haysan karaa laba jinsiyadood iyadoo la raacayo dastuurka KMG ah iyo sharcigan.

Qodobka 7aad:

Xuquuqda Jinsiyadda ee Ilmaha:

Ilma kasta oo ku dhasha Soomaaliya waa in magac loo bixiyaa, lana diiwaangeliyaa iyadoo la raacayo shuruudaha hagaya arrimhaas.

Ilmaha laga tagay ama Agoonta ah:

Ilmaha waalidka dhalay cidlo uga tageen ee la helo waxaa uu si toos ah u noqonayaa muwaadin Soomaaliyeed, haddii aaney caddaan muwaadin wadan kale mudo shan sano gudahood.

Ilmo la korsaday:

Ilmaha uu korsado muwaadin Soomaaliyeed waxaa uu qaadanayaa dhalasho haddii korsashadu tahay:

Maslaxadda Ilmaha

Uu abuurmay xiriir qota dheer oo ka dhaxeeyay ilamaha iyo daryeelaha sharciga ah

Aan loo korsaneyn ilmaha in lagu helo degenaanshiyo ama jinsiyad.

Ilmaha waalidka/Daryeelaha qaatay Jinsiyadda Soomaaliya:

Ilmaha waalidka ama daryeelaha uu qaato jinsiyadda Soomaaliga isna waa qaadan karaa haddii:

Haddii ay maslaxad u tahay ilmaha.

Waalidk ama daryeelaha uu yahay mid xanaayeeya ilmaha.

Ilmaha si rasmi ah ula noolaa waalidka ama daryeelaha.

Ilmaha Jinsiyad ma qaadan karo haddii xiliga codsiga uu mid ka mid ah waalidka ama daryeelaha uu yahay:

Danjire, qunsul ama shaqaale shisheeye.

Shaqaale shisheeye oo u shaqeeya kooxda qodobka hore.

Ciidamada Nabad ilaalinta.

Habraaca loo marayo diiwaangelinta qaadashada Jinsiyadda ee ilmaha waxaa loo marayaa Xeer-nidaamiye u gaar ah. 

Qodobka 8aad:

Jinsiyadda Siismada ah:

Jinsiyadda siismada ah si waafaqsan sharciga waxaa lagu bixinayaa dikreeto madaxweynaha federaalka ah, marka uu soo jeediyo wasiirka arrimaha gudaha iyadoo la cuskanaayo go’aanka golaha wasiirada.

Jinsiyadda siismada ah ee qofka shisheeye, waxaa sharci ah in marka hore talo soo jeedinta guddiga gaarka ah ee jinsiyadaha oo ka kooban guddoomiyaha iyo sideed xubnood oo lagu magacaabo digreeto madaxweyne xilkana haynaya muddo labo sano ah iyadoo la cuskanaayo soo jeedinta golaha wasiirada.

Xubnaha guddiga Jinsiyadaha waxaa ay iska dhex dooranayaan  guddoomiye ah muwaadin Soomaali ah, lehna karti iyo aqoon.

Habraaca bixinta jinsiyad siismada, waxaa lagu qeexayaa Xeer-Nidaamiye  u gaar ah sharcigan.  

Qodobka 9aad:

Qaadashada Jinsiyad Soomaaliyeed oo ku saleysan Guur.

Qof kasta waxaa uu qaadan karaa jinsiyad Soomaaliyeed oo ku saleysan guur, haddii qofka uu buuxiyo shuruudahan:

Haddii qofka uu guursaday yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Haddii guurka yahay mid waafaqsan xeerka arrimaha qoyska Soomaaliyeed.

Haddii lamaanaha ay is qabeen muddo 2 sano xiliga la codsanayo Jinsiyadda ku saleysan

Qof kasta oo ku hela jinsiyadda Soomaaliga qaabka guurka, ma luminaayo jinsiyadda haduu dhamaado xiriirka guurka ama uu dhinto qofkii sababtiisa lagu helay.

Hab-raac bixinta Jinsiyadda iyo is diiwaangelinta laga rabo waxaa lagu qeexayaa xeer-nidaamiye u gaar ah sharcigan.

Qodobka 10aad:

Siismada Jinsiyad Sharafeed:

Waxaa la siin karaa Jinsiyad sharafeed Soomaaliyeed qofka haddii uu :

Waddanka Soomaaliyeed u qabto howl Mudnaan oo ku aadan jiritaanka, horumarka iyo Karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Aanu gelin fal-dambiyeed ka dhan ah waddan kale, Maxkamadna aaney ku xukmin 2 sano

Madaxweynaha ayaa Digreeto ku soo saaraya, soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo go’aanka wasiirada kadib.

Jinsiyad sharafeed waxaa lagu bixin karaa hab-raac u gaar ah oo ka duwan shuruudaha lagu qeexay sharcigan.

Jinsiyad sharafeedka qofka ma siineyso xuquuq siyaasadeed sida codeynta,

Qofka lagama rabo waajibaadka laga rabo muwaadinta Soomaaliyeed.

Jinsiyadda waxaa ay ku egtahay qofka, umana gudbeyso carruurtiisa iyo qoyskiisa. 

Qodobka 11aad:

Qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah waxaa uu si iskiis ah uga tanaasuli karaa jinsiyadda haddii arrintaas aaney ka dhignayn jinsiyad-laawe.

Hab-raaca loo marayo Jinsiyad ka tanaasulid, waxaa lagu qeexayaa xeer-nidaamiye u gaar ah sharcigan.

Qodobka 12aad:

Sababaha lagu waayi karo Jinsiyadda Siismada ah:

Haddii uu helay Jinsiyad Been abuur ah, khiyaano iyo xog la qariyay.

Haddii lagu xukumay xabsi aan ka yareyn shan sano.

Haddii uu ku biiro ciidamo shisheeye ama uu ka mid noqdo argagixiso

Haddii maxkamad ku hesho in ninkaas uu galay guur xeeladeysan.

Qofka laga qaadayo Jinsiyadda, ma saameyneyso qoyskiisa iyo carruurtiisa.

Qofka lagama qaadi karo haddii uu noqonayo Jinsiyad laawe.

Laalista iyo Jinsiyad ka qaadista laguma saleyn karo arrimo siyaasadeed.

Qofka Jinsiyad looma qaadi karo iyadoo lagu saleynaayo Midab-takoor, Dhanka Lab/Dhedig, Xaalad bulsho ama dhaqaale, Qabiil, Naafanimo, xirfad iyo af toona sida ku cad dastuurka KMg ah

Habraaca looga qaadayo Jinsiyadda waa in loo maraa qaabkii loo raacay jinsiyad siismada ee lagu qeexay sharciga.

Qofka laga qaadayo jinsiyadda Soomaaliga waxaa uu xaq u leeyahay in uu racfaan ka qaato sida uu qeexayo sharcigan.

Qodobka 13aad:

Dib ula soo noqoshada Jinsiyadda:

Muwaadin kasta oo waayey Jinsiyad ama si iskiis ah uga tanaasulay si uu u noqdo shisheeye wuxuu dib u soo ceshan karaa jinsiyadda si waafaqsan sharcigan. 

Qodobka 14aad:

Dhaarta:

Qofka jinsiyadda lagu siiyay dekereeto madaxweyne si waafaqsan sharciga, ma dhaqan galayo siismadaasi ilaa uu qofka dhaarto in uu yahay Soomaali naftiis hure daacad ah una hogaansamayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Qofka la siiyo Jinsiyadda waxaa uu ka hor dhaaranayaa Maxkamad awood u leh, ama hay’ad dowlad oo u xilsaaran arrinkaas.

Qodobka 15aad:

Ciqaab iyo Xad-gudubyo:

Qof kasta oo si ula kac ah u siiya xog been ah hay’adaha dowladda si uu u helo Jinsiyadda waxaa uu muteysanayaa xarig lagu qeexi doono xeer-nidaamiyaha sharcigan.

Qofka kasta oo Jinsiyadda ku helay guur xeeladeysan waxaa uu muteysanaya xarig lagu qeexi doono xeer-nidaamiyaha u gaar ah sharcigan.

Qof kasta oo sababay ama soo saaray dukumiinti been abuur ah si loo marin habaabiyo hay’adaha dowladda si uu u helo jinsiyad waxaa uu galay dambi ciqaabtiisu tahay hal sano xarig ah ama ganaax lacageed, waxaana lagu qeexi doonaa xeer-nimaadiye sharcigan u gaar ah.

Qodobka 16aad:

Baa’bin:

Waxaa la baa’biyay sharcigii Lamb 28) 1962) ama sharci kasta oo ka hor imaanaya ama aan la socon Karin sharcigan.

Qodobka 17aad:

Sharciga hore ee Jinsiyadaha:

Qof kasta oo helay Jinsiyadda Soomaaliyeed si waafaqsan sharcigii hore ee Jinsiyadda Lam/28, 1962, waxaa uu heysan doonaa Jinsiyadda si waafaqsan sharcigan.

Qodobka 18aad:

Xeer Nidaamiyaha lagu hirgelinayo sharcigan waxaa soo saari doona wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka lix bilood gudahood oo ka bilaabaneysa maalinta uu xeerkan dhaqan-galo.

Qodobka 19aad:

Dhaqan-gelin:

Sharcigan wuxuu dhaqan gelayaa marka baarlamaanka ansixiyo, Madaxweynaha saxiixo, lagu soo saaro faafinta rasmiga ah sida ku cad dastuurka KMG qodobkiisa 85aad.

Qoraalkan Qabyo-Qoraalka Hindise Sharciyeedka Jinsiyadda waa mid u gaar Goobjoog News, Lama qaadan karo xigasho la’aan

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye, 

[email protected]

Goobjoog News