U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobada Looga Hadlayo Shirka Golaha Wasiirrada Muqdisho Uga Furmay

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay kulan wadareedka golaha wasiirrada federalka ayaa ka warbixiyay u jeedka kulankaan loo qabtay, waxaana uu ku tilmaamay sidii loo heli lahaa gole mar qura isla jaanqaada iyo sidii loosoo hormarin lahaa waxyaabaha hortabinta leh xukuumadda uu hoggaamiyo Xamse.

“Waxaa sharaf ii ah inaan idiin kala soo qeyb galo daah furka kulan wadareedka golaha xukuumadda jamhuuriyadda federalka Soomaaliya oo ah  kii labaad ee nuuciisa ah ay isugu yimaadaan, si ay isula lafaguraan una wadaagaan, howlaha mudnaanta u leh qaranka iyo hab loo xoojin karo iyo wadashaeynta howlaha kale duwan ee xukuumadda” ayuu yiri.

                                           Halkaan Ka Akhriso qodobada laga hadli doono

1: Dardargelinta nidaamka hey’adaha dowladda iyo islajaanqaadka golaha, sida uu Saalax sheegay in jaanta iyo jiibta la isla qaado.

2: Falanqeynta howlaha hortabinta u leh xukuumadda iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda.

3: Adkeynta dhaqangalinta xeerarka dalka iyo hirgelinta qorshe howleedyada xukuumadda si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u degan.

4:Fahamka iyo u  hoggaansanaanta xeer hoosaadka golaha wasiirrada, marka waajibaadkoodu goluhu gudanayaan.

5: Dhowrista iyo ku dhaqanka habraacyada heeshyada hey’adaha dowladdu u galaan ay ula galaan hey’adaha kale ee dowliga ah.

6: Hagaajinta hab xogwadaagidda, hey’adaha dowladda dhexdooda iyo lawadaagidda dadweynaha xog midaysan.

Shirkaan oo socon doona laba maalmood ayaa Ra’iisulwasaare Xamse waxaa uu golaha ka dalbaday in xoogga la isugu geyn lahaa qodobada lagawada hadalayo sidii loo hirgelin lahaa, shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya golaha wasiirrada xukuumadda, waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo laba maalin  kadib.

Goobjoog News