U bood dhigaalka

Akhriso: Qodobbada iyo Heshiiska Waxbarasho Ee Soomaaliya iyo Turkiga

Sheeko:Amniga

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta akhrinta 1-aad marsiiyey heshiiska waxbarasho ee dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Haddaba, Cabdicaziz Axmed Gurbiye ayaa soo akhriyey qodobbada uu ka kooban yahay heshiiska labada dhinac, soona koobaya.

Ujeedada: Waa iskaashi labada dhinac iyo dejin heshiis iskaashi oo dhanka waxbarashada ah oo ku saleysan sinnaan, ka-wada faa’ideysi iyo wax is-dhaafsi.

Baaxadda Iskaashi: Is-weydaarsi xog cilmi baaris, is-weydaaris khubaro iyo macalimiin, wadaagidda khibradda farsamada iyo xirfadaha, booqasho waxbarasho, is-weydaarsi tiknoolaji, iskaashi iyo is-dhaafsi qalab iyo agab waxbarasho, in ardeyda loo fidiyo martiqaad hawlaha indha indheynta, tartannada dhaqanka iyo dhaqanka.

Baridda iyo Barashada Afafka Turkiga iyo Soomaaliga: Dhinacyada waxaa ay dhiirigeliyaan in lagu dhigo, lagana baro afafka Soomaaliga iyo Turkiga hey’adaha tacliinta sare ee labada dal.

Buugaagta Manhajka: Labada dhinac waa iney hubiyaan in taariikhda, juquraafiga, dhaqanka iyo hiddaha dalka kale loo soo bandhigo si sax ah.

Deeqo Waxbarasho: In labada dhinac sanad walba, si iskumid ah u bixiyaan deeqo waxbarasho la xiriira luqadaha, tacliinta sare iyo cilmi baarista. Xulashada, aqbalaadda iyo meeleynta ardeyda tacliinta sare iyo cilmi baareyaasha waxaa lagu fulinayaa sharciyada qaran ee dalka deeqaha bixinaya.

Dhaqangelin: Waxaa dhaqangelinta heshiiska waxaa loo xilsaaray wasaaraha waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhaqaalaha ku baxaya khubarada, culimada aqoonyahanka waxaa uu ka koobnaan doonaa:

  • Deegaanka, cuntada(board) iyo kharashka safarka gudaha, waxaa bixinaya dalka loo imaanayo, si waafaqsan sharciyadiisa qaran.
  • Tigidh caalami ah oo soo laabasho leh(round trip), laguna tagayo caasimadda dalka loo socdo iyo kharashka safarka ee qofka, waxaa bixinaya dalka laga soo dhoofay.

Xallinta Khilaafka: Khilaaf kasta oo ka dhasha tafsiirka ama dhaqangelinta heshiiskan, waxaa lagu xalinayaa isfaham iyo gorgortan.

Saxiixa: Heshiiskan waxaa la dhameystiray, laguna saxiixay Muqdisho June 3, 2016-kii, waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Cabdisalaam Cumar oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda halka Turkigana uu u saxiixay Mevlut Cavusoglu oo ahaa isna wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Goobjoog News