U bood dhigaalka

Akhriso: Qorshaha Howl-gallada Mareykanka Ee Soomaaliya 2bada Sano Ee Soo Socota

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay la dagaalanto islaamiyiinta hubeysan ee ku sii xoogesanayo Soomaaliya labada sano ee soo socota.

Taasi waxay ku cadeyneysaa qorshe madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu saxiixay, qorshahaan cusub ayaa bishii October la saxiixay waxayna wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ay dooneysaa in uu ka awood sareeyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka taas oo mararka qaar awood u leh inay joojiso weerarada lagu qaadayo meelaha banaanka ka ah dalka Mareykanka.

Wasaaradda gaashaadhigga Mareykanka ayaa dooneysa in haddii qorshahaan la ansixiyo inuu noqdo mid ay ku sii wadaan weerarada Xarakada Al-shabaab iyaga oo aan cidna la tashanin sanadaha soo socda sida uu New York Times uu u sheegay qof ka tirsan wasaaradda difaaca dalka Mareykanka .

Wasaaradda gaashaadhigga ayaa fulisay 30 weerar oo ka dhan Islaamiyiinta ayaa lagu yiri warbixintaani 2017 oo kaliya,  waxaana la filayaa tiradaasi in ay sii badato maadaama ay ka badantahay tii 2016 ka uu Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay.

Weerarada waa ay kordhi doonaan 2018 haddii qorshahaan cusub la ansixiyo,  waxayna tani qeyb ka tahay qorshe Mareykanku uu ku doonayo gaar ahaan golaha ammaanka qaranka inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in labada sano ee soo socota markii ay weeraradaasi dhacaan ka dib la sameynayo wixii uga soo baxo Mareykanka dib u eegis lagu sameyn doono,dib u eegistaas oo mareykanka kaliya ka imaan doonto oo aan loo adeegsan doonin cid banaanka ah Mareykanka.

“Marabno inaan ka hadalno siyaasaddeenna iyo meelaha aan bartilmaameysaneyno intaba waxa ku saabsan ee dhanka la dagaalanka argigixisada ayuu yiri iyo dadka u hanjabayo ee dhibaatada ku ah dalka Mareykanka,balse waxaan rabnaa si guud inaan u sheegno dagaalka ka dhanka ah argigixisada iyo siyaasaddaas inay sii socon doonto taas oo soo bandhigeysa qiimaha iyo sida uu rabo Mareykanka inuu wax u maamulo” ayuu yiri Mark Rumad oo ka tirsan waaxda ammaanka ee dalka Mareykanka.

Goobjoog News,