U bood dhigaalka

Akhriso: Qorshaha Maalinta 2aad Ee Shirka Amniga Qaranka, Baydhabo

Sheeko:Dalka

Shirka amniga qaranka oo shalay ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa wararka sheegayaan in maalinta 1aad xoogga lagu saaray arrimaha la xiriira amniga.

Ilo ku sugan shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hadallada ugu badan ayaa hayeen walaac laga qabay arrimaha amniga, sida dhismaha iyo isku dhafka ciidamada, mushaarka, la dagaalanka kooxaha dowladda ka soo horjeeda, in maamul goboleedyada la xoojiyo, laguna taageero hub iyo tababar iyo arrimo kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa dowladda federaalka ah ku dhaliilay in ay ku egtahay Muqdisho, isla markaana dhibaato ku qabaan qaabka ay u aragto federlism-ka iyaga oo soo-jeediyay in looga dambeeyo dadka iyo goobaha ay maamulaan.

Maanta oo gebegabada ah, waxaa uu qorshahu yahay in laga hadlo arrimaha siyaasadda iyo qeysbiga Kheyraadka, waana labo arrin oo muhiim u ah”Roadmap-ka 2020-ka”.

Wararka waxaa ay sheegayaan in laga wada hadlin-doonno qoondada maamul goboleedyada ee miisaaniyadda, deeqaha beesha caalamka, qeybsiga kheyraadka, heshiisyada, dhameystirka dastuurka, nooca doorasho iyo sida dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah 2020-ka.

Wararkan, kala soco, Goobjoog News