U bood dhigaalka

Akhriso: Saameynta Caafimaad Ee Ka Dhalan Karto Isticmaalka Ookiyaalo Uusan Dhaqtar Kuu Qorin

Sheeko:Caafimaadka

Ookiyaalaha ayaa ah shey inta badan laga isticmaalo dunida, waxaana loo adeegsadaa asal ahaan in lagu ilaaliyo aragga iyo indhaha maadaama dunida qaarkeed  ay ku badanyihiin dabeylaha iyo boorka.

Sida caadada ah ookiyaalaha ayaa dadka isticmaala waxay yihiin kuwo indhaha ka jiran oo uu dhaqtar u qoray iyo kuwo iyagu isku qoray oo kiyaalaha maadaama ay doonayaan in ay ku xaragoodaan.

Daraaasado la sameeyay ayaa waxay tilmaamayaan in Ookiyaalaha la soo hindisay sanadka markuu ahaa 1280, waxaana lahaa fikradda caalim Muslim ahaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Binu Hathiim, kaasi oo ka shaqeyn jiray meel lagu gado kutubyada cilmiga.

Magaalada Mugadisho waxaa ku yaallo goobo fara badan oo lagu iibiyo oo kiyaalaha waxaana maalin walba xarumahaan ka gata ookiyaalo dad badan oo iskugu jira kuwo dhaqaatiirta ay usoo qoreen  iyo kuwo iskood ama xarago ugadanayo.

Dadka sida xawaaraha leh u istcimaala oo kiyaalaha ayaa waxaan kula kulanay meelo ka mida magaalada Mugadisho,  iyaga oo nooga waramay sida ay u isticmaalan ookiyalaha.

“Ookiyaalkaan aan xiranahay waxaa ii qoray dhaqtar, ma aha mid aan xarago u wato, waxaa jira dhallinyaro u xiranayo Faashiyoon waxaa jirta dhibaato kaaga imaan karto sida ay noo sheegeen dhaqaatiirta”.

Waxaa jira dad badan oo iyagu laftigooda isku qoray ookiyaalaha iyaga oo aan u marin dhaqaatiirta,waxayna dadkaas kala kulmeen dhibaatooyin caafimaad oo ku aadan dhanka aragga.

Macalin Liibaan Diiriye waxaa uu isticmaalayay  Ookiyaalaha muddo ka badan 8 sano waxaa uu sheegay in uu isga uu isku qoray Ookiyaalaha dabadeedna waxay keentay in uu kala kulmo dhibaato caafimaad.

“Hadda ka hor sanadka markuu ahaa 2005 tii ayaa anigoo magaalada Burco jooga macalinna ah ayaa indhaha I xanuuneen, ka dibna waxaa tagay meel lagu gado Ookiyaalaha, markaas ayaan ka codsaday in la iga caawiyo indha xanuunka,markaas ayaa waxaa la isiiyay Ookiyaal, Ookiyaalkii markii aan isticmaalayay muddo bil ah ayaa waxaan dareemay xanuun Isha ah,xanuunkii waan yareystay muddo ka dib Ookiyaalkii sidii ayaa ku waday, dhaqtar ayaa u tagay waxaa uu iyiri waxaa dhibka kuu keenay waa Ookiyaalaha”.

Haddaba dhaqaatiirta maxay ka yiraahdeen in uu qofka qaato Ookiyaalo uusan dhaqatar u qorin ama uu  isticmaalo isaga oo aan dhaqtarka la tashan.

“Marka aan ka hadalno isticmaalka Ookiyaalaha waa ay kala duwanyihiin, Ookiyaalaha waxaa ay ka mid yihiin sida dawooyinka loo qaato ayaa loo isticmaalaa Ookiyaalaha, haddii qofka qaadanaya Ookiyaalaha uusan dhaqtar u qorin saameynta ay keenayaan waxay la mid tahay midda ay keeni karto dawo uusan dhaqtar kuu qorin”.

W/D: Jaamac Cali Shidane