Akhriso: Sababta Ay Mareykanka u Qarinayaan Waqtiga Ay Ka Baxayaan Soomaaliya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya iyo sababta ay uga dib dhaceen waqtigii loo asteeyey markii hore ee 15-ka Janaayo.

Pentagon-ka ayaa Jimcihii sheegay iney dhameystireen ka bixitaankooda ay ciidamada kala baxeen dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan laakin waxay ka gaabsadeen arrinta Soomaaliya.

Christopher Miller oo ah sii-hayaha wasiirka gashaandhigga Mareykanka oo Jimcihii sheegay in ciidamadooda ay ka baxeen Afgaanistaan iyo Ciraaq ayaa ka gaabsaday arrinta Soomaaliya, AFRICOM ayaa sidoo kale ka gaabsatay isla arrinkan.

Maj. Andrew Caulk, oo ah afhayeenka Joint Task Force-Quartz, ayaa yiri “Iyada oo la eegayo bedqabka ciidanka iyo hawlgallada , kama hadleyno xilligan dib u dejinta ciidamada.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW