U bood dhigaalka

Akhriso:- Sababta Lafta Gareen U Yimid Muqdisho

Sheeko:Amniga

Madaxweeynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka .

Safarka Lafta Gareen uu ku yimid Muqdisho ayaa salka ku haya kulama uu la qaadan doono xubnaha Beesha Caalamka , kuwaas oo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa Is-mariga ka taagan doorashooyinka 2021.

Madaxweeynaha ayaa la filaya sidoo kale in uu kulama la qaato xubna midawga musharixiinta, isagoo qeyb ka ah Shir ay isugu imaan doonan Madaxda dowlad Gobaleedyada , Madaxda Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Midawga musharixiinta, kulaankaas oo la filayo in uu qabsoomo maalmaha soo socda .

Socdaalka uu xamar ku yimid madaxweeynaha Koonfur galbeed ayaa sidoo kale ku soo aadayo xilli maalin kahor Madaxda dowlad Gobaleedyada iyo Beesha caalamka ay yeesheen Kulama Dhanka Internet-ka ah .

Tan iyo wixii ka danbeyay heshiiskii Bishii September sanadkii hore 2020,ku gaareen magaalada muqdisho madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Dowlad gobaleedyada , ayaanan xal laga gaarin qabsoomidda doorashooyinka dalka, oo ay ku fashilantay dowladda federaalka in ay xaliso Tabashooyinka Midawga Musharixiinta iyo Cabashada Maamulada Jubbaland iyo Puntland .