U bood dhigaalka

Akhriso: Sababta Madaxda Dowlad Goboleedyada ay ula Kulmayaan Xildhibaannada Federaalka Ah

Sheeko:Amniga

Saacadihii tagay, waxaa socday kulamo ay madaxda dowlad goboleedyada la yeesheen xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah.

Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa la sheegayaa iney kulamo gaar gaar ah la qaateen xildhibaannada federaalka ah ee kasoo jeeda maamulkooda.

Sababta waxaa lagu sheegay labo:

  • In ay meelmariyaan heshiiskii ay khamiistii Villa Somalia ku gaareen madaxweynaha federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ku saabsanaa doorashada.
  • Iney meelmariyaan ra’isul wasaaraha uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Maxamed Rooble.

Labadan arrin ayaa golaha shacabka ee baarlamanaka federaalka ah lagu wadaa in la hordhigo arbacada soo socota, si loo meelmariyo kadib heshiiska loogu gudbiyo aqalka sare.

Goobjoog News