U bood dhigaalka

Akhriso: Sharciga Galmada Ee Horyaallada Golaha Shacabka, Beesha Caalamkana Ka Qeylisay

Sheeko:Amniga

Waxaa haatan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah horyaalla sharciga dambiyada galmada la xidhiidha. Ujeedka sharciga ayaa ah in dhibaneyaasha ay helaan xaq soor u qalma dhibka loo geystay iyo sharci gaar ah oo lagula dagaalayo kufsiga iyo dambiyada kale ee u muuqda galmada.

Sharcigan, waxaa markii ugu horeysay golahan la keenay 2017-kii, kadib isbadallo badan ayaa galay iyada oo la soo badalay sharcigii ay golaha wasiirrada ee xumadda federaalka ah ansixiyeen kaas oo u dhowaa midka ay reer galbeedku doonayeen. Midkan cusub ee hadda horyaalla golaha waxaa soo diyaariyey dad ay ku jiraan culimada waxaa qodobadiisa inta badan loo fiiriyey shareecada islaamka.

Qodobka ay beesha caalamka ka qeylisay waa midka 26-aad ee xeerka oo dhigaya: Guurka Da’yarta, oo  sheegaya in heshiiska guurka qofka yar ay banneysay shareecada Islaamka balse lala sugo  aqal galka ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada.

Xeerkan waxaa uu ku taliyey in qaranka Soomaaliyeed uu la yimaado qorshe ku saabsan kufsiga baahay, waxaa kale oo warbaahinta laga dalbaday iney dadka wacyigeliyaan. Haddaba qoraaga Cabdicasiis Gurbiye ayaa soo akhriyey xeerkan, isla markaana soo koobaya qodobada ugu muhiimsan ee lagu sheegay .

Sharcigan ayaa loogu talogalay in lagu dhaqo galmo ama falka jnisiga ah ee dhexmara labo qofood ha ahaadno mid qasab ama mid khayaari ah.

Ogolaasho fal galmo waxaa leh qof maskax ahaan fahmi kara, isla markaana heysta xaalad awood u siineysa inuu iska diidi karoo. Waxaa la sheegayaa in dadka dhimirka loogu jiro iyo kuwa aan qaangaarka aheyn oo nuxurka galmada aan garaneyn aaney laheyn awood ogolaasho.

Qofka ku jira xaaladaha soo socda ma yeelan karo oggolaanshiyo galmo oo ikhtiyaar ah, waxaa ka mid ah:

  1. In uu san isaga caabbin karin awood jireed iyo xeeladba falka galmada ee qofka kale ku sameynayo.
  2. In ay jirto xaalad baqdin gelin ah, oo laga dhabeyn karo.
  3. In qofka u nugul ee galmada lagu sameeyey dhimirkiisu joogin.

Xad-gudub Galmo: Waa xad-gudub qaab galmo oo si kas ah qof qaangaar ah qof kale “yar ama weyn” ugu qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qeybaha kiciya shucuurta jinsi.

Shareecaha Islaamka, waxaa ku cad in seygu u galmoon karin xaaskiisa xaalad kasta oo caafimaad ah halis gelin karta iyo marka ay caadada qabto.

Isku day Kufsi:  Waa qof kasta oo isku daya inuu sameeyo fal dambiyeed kufsi, waxaana uuna muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta.

Kufsi: Waa fal galmo ama jnsi oo qofi ku sameeyo mid kale iyada oo aysan jirin oggolaashiyo, sida badanaa ku dhacda qaab gabood fal ah. Kufsigu waa fal dambiyadeed qof si toos ah oo si kas ah ugu bareero gelitaankiisa, waxaa uu dhacaa marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ay is galaan, is gaaraan ama god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee labka, ciqaab ayaa la muteysan, waana sii kala culustahay haddii dambiiluhu qofka uu kufsaday uu yahay qof dhimirka loogu jiro.

Waxaa kale oo jira kufsi wadareed oo ah in dad badan ay kufsi ku sameeyaan qof iyo in ka badan iyagoo ku maquuninaya awood jireed, ciqaabta waa la kordhinayaa haddii qofka uu qaadsiiyo HIV/AIDS.

Dhiiri Gelin Fal Galmo: Qof kasta oo Qaangaar ah oo dhiirigeliya ama sabab u noqda fal gamo, waxaa uu muteysanayaa ciqaab.

Ganacsiga Fal Galmo: Qof kasta oo ganacsi ahaan iyo dan kale uga doono faa’ido, si kas ah ama isku daya inuu uga ganacsado dalka JFS fal gamo oo shareecadu banneyn waa dambi, waaa la ciqaabayaa si waafaqsan shareecada, sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo anshaxa bulshada.

Adoonsi: Adoonsi waa in qof laga qaaday xuriyadda, oo loogu dhaqmo si agab ama hanti qofeed, oo loo adeegsado sameynta fal galmo si looga helo dhaqaale, ciqaab ayaa ka dhalaneysa.

Xadgudub Mas’uul: Qofka mas’uulka ah ee galmo dami ah la sameeya qof uu mas’uul ka yahay, shakhsi nugul(caruur, waala ama waayeel ah), waa la ciqaabayaa.

Dalxiis Galmo: Waa qof qaangaar ah, oo dhimir ahanna caafimaad qaba oo u socdaala deegaanno kale si uu u falo fal galmo ama u safriyo qof kale si uu uga qeyb qaato waa la ciqaabayaa.

Dhoofin Fal Galmo: Waa goorta qof uu dhoofiyo qof kale ama u fududeeyo ka qeyb qaato ku daabulidda gaadiidka nuucyadiisa kala duwan adeegga dhileysiga cid ku hawlan, waxaa uu muteysan ciqaab.

Qasbid Guur: Waa marka qofi qof kale si xoog ah ugu qasbo fal guur oo ay san ogeyn/ogoleyn ehelkeedu, waxaa lagu muteysan ciqaab.

Daandaansi Galmo:  Waa marka qof galmo doonayo uu qof kale ku damac geliyo, ugana faa’ideysto dalab shaqo, dalacaad, gaarsiin shey qiimo leh, waxaa lagu gartaa u dhawaansho xad dhaaf ah, isku sahid jireed, isku dhejin, gacmo gacmeyn iyo is xijin fara badan, qofkii lagu helo waa la maxkamadeyn.

Adeegsi Maandooriye: Qof kasta oo si kas ah u maandooriya qof kale isaga oo moog walxaha lagu miyir beelo dantuna tahay inuu la galmoodo.

Waxaa kale oo sharciga lagu mamnuucay Afduub la xiriira galmo, afduubka ganacsi galmo sida in goob lagu xirto ama la dhiifiyo iyo baafin fal galmo sida in gudaha JFS lagu baahiyo maqaal ama muuqaal duuwan ama sawirro fal gamo, waxaa kale oo mamnuuc ah in laga ganacsado muuqaallada galmada ama la farsameeyo.

Xod-xodasho: Waa Haasaw ama qalqaallo dhexmarta labo qofood oo kala jinsi ah, dhaqan ahaan leh ujeeddo rajo guur,balse haddii ay tahay arrin la xiriirta galmo shareecada iyo dhaqanka ogleyn kama dhalneyso dambi, haddii aysan jirin qasab.

Xod-xodasho qasdigeedu gaabsi tahay ama isu galmood waa dami waxaa ciqaabta loo raacayaa shareecada, sharciga ciqaabta iyo midka anshaxa.

Goobjoog News