U bood dhigaalka

AKHRISO : Shir Ay Ku Baaqeen Axmed Madoobe iyo Deni Oo Baaqday

Sheeko:Amniga

Waxaa gebi ahaanba baaqday kulan maanta oo sabti ah ay ku baaqeeyn madaxweeynayaasha Puntland iyo Jubbalanad in la isugu yimaado magaalada Muqdisho .

Kulankan oo uu qorshuhu ahaa in xal looga gaaro tabashooyinka iyo khilaafaadka hareeyay doorashooyinka dalka, ayaa todobaadkii hadda dhamaaday madaxweeynayaasha Puntaland iyo Jubbaland waxa ay ku baaqeen in magaalada Muqdisho la isugu yimaado.

Illa iyo hadda ayaanan waxaa muuqaan madax ka tirsan Maamul gobaleed yada dalka oo soo gaaray magaalada Muqdisho .

Madaxweeynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ugu baaqay in 30 ka bisha oo ku beegan maanta la isugu yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dib u dhaca kulanka ayaana la ogeyn waxa sababay balse Wakiilka ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa wali waxa uu kulamo la qaadanaya madaxda Maamul Gobaleedyada dalka , iyadoo la filayo in socdaalkaasi uu soo gaba gabeeyo Berri oo Axad ah .

Warar ay heshay GOOBJOOG NEWS  Ayaa sheegaya in shirka la isugu imaan doono maalinta Arbacada ah ee todobaadkaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada dalka ayaa ku guuldareystay xal ka gaaridda arimaha doorashooyinka oo muddo dhowr jeer ah baaqday, iyadoo markaan Saaxibada caalamka ay fara gelin ku yeelanayaan doorashooyinka dalka .