U bood dhigaalka

Akhriso : Shir Dhuusamareeb Ka Socda Maalintii Labaad

Sheeko:Amniga

Magaalada dhuusamreeb waxaa shalay si rasmi ah uga furmay shirka wada tashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, kas oo loga hadlayo xaaladda dalka si gaar ah Arimaha Doorashooyinka.

Shirkan oo galay maalintiisi labaad ayaa waxaa diiradda lagu saaraya Ajendayaal ay kamid yihiin mareeynta xilliga kala guurka, sidii heshiis looga gaari lahaa shaqada dowladda in ay sii socoto maadama mudda xileedka madaxweeynaha dalka ay ka harsan tahay 4maalin, xarl u helidda arinta gobalka Gedo ee Jubbland , Guddiga muranka uu ka taagan yahay ee doorashooyinka, xal u hellidda Doorashooyinka gobalada Waqooyi ee Somaliland iyo muddeynta waqtiga rasmiga ah ee doorashada dalka.

Madaxda maamulada dalka iyo madaxweeyne farmaajo ayaa tan iyo illa xalay gooni gooni ah ku yeelanayay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Amaanka maagalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeyay , iyadoo xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay lagu arkayo ciidamo fara badan.