U bood dhigaalka

Akhriso: Shir Madaxeedka Madasha Ruusha iyo Afrika oo Looga Hadlayo Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo wareysi gaar ah oo shirkaasi ku saabsan siiyey wakaaladda TASS ee dalkaasi ayaa sheegay in halku-dhegga sanadkan ee shirkan noociisa ah uu yahay “ Nabadda, amniga iyo horumarka”, taasina aaney iska iman ee laga baaraan dagay, waxaa uu intaasi raaciyey in horumar aan la gaari karin iyada oo aan xal loo helin kooxo badan oo argigixiso ah oo dhibaato ku ah dalal badan oo Afrikaan sida ISIL, al-Qaeda, Boko Haram iyo Al-Shabaab, kuwaas oo qasaya waqooyiga Afrika, gobolka Sahara-Sahel region, harada Chad iyo geeska Afrika.

Putin waxaa uu sheegay in dalkiisa uu Afrikaanka ka caawin-doono la dagaalanka argigixisada, dambiyada abaabulan, ka ganacsiga daroogada, dhaqista lacagaha, tahriibka, burcad badeedka iyo arrimo kale.

Dhanka horumarinta Afrika waxaa uu madaxweyne Putin sheegayaa in qaaradda ay dalal badan horay uga cafiyeen deymo hadana sameyn-doonaan, kana taageeri doonaan sidii loo xakameyn lahaa cudurka Ebola, musiibooyinka dabiiciga ah, xalinta khilaafaadka iyo ka hortagooda. “Jaamacada Ruushka ardey badan ayaa lacag la’aan lagu tababaraa, waxaan xoojineynaa iskaashiga” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka u ambabaxay ka qeybgalka madasha Ruushka iyo Afrika, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kala kulmo madaxda iyo ganacsatada Ruushka, kalana hadlo sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, loona bilaabi lahaa iskaashi dhow oo dib u loogu soo celiyo xiriirkii wanaagsanaa ee 60-maadkii iyo qeybta hore 70-maadkii qaranigii tagay.

Goobjoog News