U bood dhigaalka

Akhriso: Shuruudaha Ciidamada Mukhtaar Roobow Ay Ku Xireen Si Loo Qarameeyo

Sheeko:Amniga

Ujeedka safarka ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu maanta ku tagayo Xudur waxaa ka mid ah in ciidamada waddaadka Mukhtaar Roobow la qarameeyo, oo lagu soo daro ciidamada xoogga dalka.

Haddaba, Ciidamadaasi waxaa ay horay u sheegeen shuruudo ay tahay in la fuliyo kahor inta aaney ku biirin ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Mursal, gudoomiyaha Goloha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaliya ayaa dhowaan Safar uu ku tagay Xudur isaga iyo madaxeynaha K/Galbeed Cabdacasis Laftagareen iyaga oo u kuulgalay xaaladda guud, waxaa kale oo ay la kulmeen ciidamada Mukhtaar Roobow.

Madaxda ay ciidamada kala hadlay suurtagalnimada inay qeyb ka noqdaan ciidanka xooga dalka, waxay kulamadas ahaayeen kuwa shuruudo adag lagu soo xirey oo ay ku jiraty:  in ciidanka hogaankiisa qeyb kanoqdaan iyo in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada Iyo saanadooda loo dhameystiro

Waxaan shaki ku jirin in shuruudaha qeyb kanoqan noonaan in wadaadka aya ayagu ka amar qaata heshiisyadaas dhamaan qax Ka ogyahay Goobjoogna ka ahaada Heshiiska.

Goobjoog News