Akhriso: Sida Barnaamijka “OGAAL” Loogu Falanqeeyey Abaarta iyo Cunto-yarida Heysa 5 Milyan oo Soomaali ah

Barnaamijka “OGAAL” ee baxa Goobjoog TV, uuna wado Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa todobaadkan looga hadlay cunto-yari ah ay ka digeen hey’adaha caalamiga oo soo wajaheysa ilaa 5.4 milyan oo Soomaali ah.

Barnaamijka waa marti ku ahaa Prof. Xuseen Iimaan oo khabiir beeraha ah ahna agaasimaha machadka bey’ada, beeraha iyo biyaha iyo Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ah dhaqaale yahan, madax ka ah qeybta dhaqaalaha ee jaamacadda Soomaaliya.

Prof, Xuseen Iimaan oo ka jawaabayey su’aal aheyd heerka xaaladda abaarta dalka ayaa ku dooday in dadkeennu aanu faqiir aheyn ee ay duruufo nagu heeran oo dadka ka dhigaya faqiir iyo dhaqanka ku soo kordhay ee cuntada, abaaraha oo dagaallada sokeeye ay saameeyen, ganacsiga oo ay saameeyeen dagaallada iyo isbadalka cilimiga, isaga oo intaasi ku daray “ Qeylo-dhaantaasuna ee hey’adaha caalamiga ah ee Soomaali ay sheegayaan arrintaas waxaa ay igula qurxoonaan laheyd-walow data iyo NGO ay helaan- hadana waxaa kaga habooneeyd dowladda oo xogta beeraha iyo nolosha beeraleyda ka war qabtay  abaartaas iney sheegaan iyo sida ay u jirto”.

Su’aal kale Prof, Xuseen Iimaan laga weydiiyey haddii dalkeenu hodan yahay maxaa keenay in 5 milyan cunto yari soo wajahdo ayaa ku jawaabay “ Dalkaas kheyrka badan ee malaayiinta Hektar ee beeraha ah oo qeyb waraab tahay, qeybna roob falato tahay, badarka laga soo saaro, waqtiyo waqtiyada ka mid ah, xili Soomaalida tijaabisay oo isku filnaashiyo la gaaray ayaa jirtay, anigu wasaaradda beeraha ayaan ka soo shaqeyn jiray, 30 sano ee dagaallada iyo wixii ka horeeyeba xogtii ayaan heynaa, waxaa isbadalay waxaa ay tahay diiradda dadka beeraleyda ah tacabkii ay ku tashan jireen wax badal ayaa keenay in baahidaasu timaado, oo ay ka mid tahay dagaalladii badnaa ee la galay, dad badan ayaa barakacay, oo beeladeydii tacabka ku howlaned bey aad u saameysay, %50 haddii dadkiisi ay barakaceen, kaalintoodii waa maqan tahay, kuwaasi oo galay dadka loo qeylinayo”.

Dhankiisa, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ka hadlay abaarta ayaa sheegay in dowladda ay u taagantahay wax ka qabashada arrimahan, abaarahan iney soo noqnoqdaan waxaa uu sababteeda ku sheegay dagaallada ka socdo meelo badan sida labada dhasheelle iyo Hiiraan iyo bey’ada. Mr. Cabdi fitaax waxaa uu soo qaatay in xiliyadii hore abaarta la arki jiray 40-kii sano mar, laakin hadda ay sanad dhaaf u dhacaan.

Maxaa loo diyaar-garoobi la’yahay, oo loo la’ yahay nidaam ka hortag ah, su’aashaas ayuu Cabdullahi Maxamed Shirwac hor dhigay martida, Prof, Xuseen Iimaan ayaa ku ammaanay wasaaradda beeraha iyo hey’ado kale in dowladda Soomaaliya ay bilowday 2013-kii in raashiinka macaawinada laga iibiyo beeraleyda, si tacabkii u sii socdo, lana yareeyo waxa dibadda laga keenayo, laakin ciladda waxaa uu sheegay iney tahay colaadaha, barakaca iyo qeybinta cuntada.

Dhanka canshuuraha ayaa laga hadlay, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ waxa ka soo baxa beeraha iyo dhulka daaqsiinka ah waxaa ay yimaadaan suuqa, labo mushkilad ayaa dhacaya: (1). Inta badan waxaa dhaca sicir barar, sicirka isku mid ma aha, marka aad wadamada u fiirisid waxa laga gadayo galeyda, digirta, khudaarta waxaa ay leeyihiin qiimo go’an, mushkiladda Soomaaliya heysto dowladda kontoroosha iyo nimaad ma jiro, marka aad weydiiso dadka beeraha ka keena, ee suuqa keena, oo ka hela dakhliga, waxaa ay ku leeyhiin mushkiladda aad sheegtay oo ah in gaadiidka la kala duwaasho, in meelo badan lacag looga soo qaadayo, in la canshuuraayo iyada oo aan la sameyn siyaasad gaar ah

(2). Tan xigta waa isbadalka bey’adaha, abaaraha, roobka oo ka dhasha daadad, iyo dalai dhicidda wax soo-saarka ah iyo in aan loo helin wax ku filan, oo dadka ama reerkooda u qeyliyaan ama in jidadka galaan, oo isbaaro dhigtaan.

Madashan looga doodayey abaarta ayaa sidoo kale ka digtay in dadka abarakacayaasha xoog lagu kiciyo, xaqna u leeyihiin deegaameyn, waxaa kale oo ay soo-jeediyeen Istaraatiijiyad iyo in loo abuuro shaqo, oo arrinta aaney noqon mashruuc iyo mid daba-dheeraato.

Ugu dambeyntii, waxaa lagu dheeraaday dadkiisa side xaaladda looga saari karaa iyo waxa ay mudan yihiin haddii ay ahaan laheyn nolasha barakaca iyo kadibba, waxaana mas’uuliyadda dusha laga saaray dowladda Soomaaliya, waxaana la adkeeyey in kahor taggu ka fiicanyahay marka dhibaato dhaco, taasina u baahanyahay abaabul iyo jiheyn rasmi ah.

Akhriso: Qoraal La Xiriira Xogta uu Barnaamijka falanqeynayo

Daawo: Barnaamijka “OGAAL” oo dhameystiran.

Related Articles

One Comment

  1. Our Writers always relate freely with case study clients and are always ready to answer any form of questions which may be raised to them. This communication creates a good relationship leading to good grades in case study papers in school.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW