U bood dhigaalka

Akhriso: Sidee Ayuu U Shaqeeyaa maxjarka Xoolaha Ee Jaziira

Sheeko:Dalka

Soomaaliya ayaa leh xoolaha ugu badan, balse caalamka kale xoolahooda waxay ka yihiin dunida kuwa heysta Suuq furan waxayna helaan dalabaad xad dhaaf ah oo ay kala kulmaan wadamada kala dhaxeeya heshiiska iibsiga wadamada.

Soomaaliya sidaasi ma ahan waxayna iibsiga xoolaha kaga duwantahay dowladaha kale ee hodonka ku ah xoolaha, Maxjarka Jasiira waa halka la keeno xoolaha ganacsatada Soomaaliyeed kuwaasi oo loo suuq geeyo wadamada Carabta.

Maxjarka ayaa ka shaqeeya caafimaadka iyo badqabka calafka ay cunayaan waxaana xoolaha laga baaraa Cudurrada ku dhaca inta aan lagu daabulin Maraakiibta u qaadeysa dalalka soo dalbaday xoolaha.

Nuucyada kala duwan ee xoolaha sida Ariga, Lo’da iyo Geela ayaa si isku mid ah umara tijaabada caafimaadka xoolaha ee Maxjarka Jaziira, waxaana sidoo kale uu sameeyaa Maxjarka Miisaamidda xoolaha la dhoofinayo.

Muddo ku dhow 30 sano Soomaaliya ma eysan helin dowlad tayo leh oo ka shaqeysa bad qabka xoolaha waxayna arrintaasi keentay inay meesha ka baxdo qiimihii ay la haayeen xoolaha oo ah mid ka mid ah ilaha dhaqaale uu dalka ku tiirsanyahay.

Haddaba maxay tahay shaqooyinka guud oo uu qabto Maxjarka xoolaha ee Jaziira waxaa arrintaasi Goobjoog News uga warramay Xasan Muuse Tooxow oo ah Maamulaha Maxjarka.

“Maxjarka waxaa loogu talo galay Xoolaha caafimaadkooda dalka xoolaha loo dhoofinayo waxaa uu kaa rabaa sharuudo caafimaad, Maxjarka waxaa uu ka shaqeeyaa ilaalinta iyo baaridda caafimaadka xoolaha la dhoofinayo”.

Soomaaliya ayaa xoolaha waxay u dhoofisaa dalalka kala ah Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Masar iyo Cumaan waxaana dalalkaasi Soomaaliya kala dhaxeeya xiriir ganacsi oo ku aadan dhoofinta xoolaha.

Maxamed Ciise Koonaa

Goobjoog News