U bood dhigaalka

Akhriso: Sidee Lagu Heli Karaa Biyo Nadiif Ah Oo Macaan?

Sheeko:Dalka

Ceelasha biyaha laga cabo ayaa ahaa kuwo habab kala duwan ay uga faa’ideysan jireen dadka, xilligii dowladdii dhexe waxaa jirtay Wakaaladdii biyaha, biyaha dadka ay cabaana waxay ka imaan jireen meesha hadda loo yaqaanno Ceelasha biyaha.

Markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe waxaa dalka ka hana qaaday Shirkado gaar loo leeyahay kuwaasi oo xaafadaha siiya biyaha si ay u daboolaan baahida biyaha loo qabo.

Ceelasha qaar waxaa ay soo saaraan biyo aan Nadiif aheyn waxaana macquul ah in dadka ay ka dhaxlaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah sababo ay ka mid yihiin biyaha dadku ay cabaan oo ay ku jirto Ciid.

Haddaba side lagu heli karaa biyo nadiif ah Maxamed Cabdiraxman oo ah Bare jaamacadeed ayaa ka hadlaya.

“Qaabka loo qadayo ceelka taas ayaa dhib ah, Ceelasha badanaa ciladda ku timaada waxaa ka mid ah godka markii la qodo waxaa lagu shubaa Jaay, Jaayga waxaa uu qabtaa waxaa uu kala reebaa biyihii Nadiifka ahaa iyo wasaqda ahaa hadhow biyaha ceelka uu soo gudbinayo waxaa u badnaanaya biyo dhiiqo ah “.

Aqalka sare ayaa dood galiyey sharciga biyaha dalka si ay Shacabka u helaan biyo leh tayo caafimaad waxayna arrintaasi qeyb ka tahay biyaha Nadiifintooda senator Ilyaas Cali Xasan oo ah Guddoomiyaha guddiga Kheyraadka Aqalka sare ayaa ka hadalaya arrintaas.

“Shacabka waa in ay helaan Biyo nadiif ah hadda waxaa is weydiin mudan biyaha ayaa maamulaya ilaa maamul goboleedyada dalka waa u bandhignay arrintan si loo helo biyo nadiif ah”.

Shacabka ayaa baahi weyn u qaba helitaanka biyo nadiif ah xilli ay jiraan dhibaatooyin ka imaan kara biyaha qaar kuwaasi oo aan la marin hanaanka qorsheysan.

Goobjoog News