U bood dhigaalka

Akhriso: Sidee Madaxweyne Xasan Sheekh Ugu Hiiliyey Haweenka Soomaaliyeed 2012-2016?

Sheeko:Amniga

Haweenka Soomaaliyeed, sanadkan 2022-ka waxaa ay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ka heleen ilaa iyo hadda 20%, mana muuqato rajo intaas ka badan,  taasi oo ah nisbo aad u yar marka la barbardhigo kobaca ku socday qoondadooda haweenka ee xilliyadii hore iyo sida loogu awoodsiiyey dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 2012-2016.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo aaminsan kaalinta haweenka Soomaaliyeed iyo kartida ay dhex leeyihiin bulshada ayaa muddadii uu joogay waxaa uu u hiiliyey haweenka isaga ahmiyad gaar ah siiyey matalaadooda iyo ka qeybgalkooda xagga siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, hey’adaha dowliga ah iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda federaalka ah.

Dhanka siyaasadda, xukuumaddii ugu horeysay ee madaxweyne Xasan Sheekh ee uu ra’isul wasaaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon, waxaa uu madaxweynahu sameeyey labo arrin oo aan abid Soomaaliya ka dhicin xilligaas ka hor ama xataa kadibba, waana inuu haweenka Soomaaliyeed siiyey 20% ee guud ahaan golaha wasiirada ee la dhisay, waxaa uu sidoo kale siiyey markii ugu horeysay jagada ra’isul wasaare kuxigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo uu madax uga dhigay Fowsiyo Xaaji Aadan, waxaa kale isla xukuumadaasi ku jirtay Maryan Qaasim oo aheyd wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshad.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa kale uu dhisay labo xukuumad oo kale midda Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa wasiirro ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan iyo Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo wasiirro ku xigeenno ahaayeen Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda iyo Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha

Halkan Xukuumadda ra’isul wasaare Cumar Cabdurashiid ay wasiirro ka ahaayeen Khadra Bashiir Cali W. Waxbarashada,  Xaawo Xasan Maxamed Wasaaradda Caafimaadka iyo Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, waxaana wasiir kuxigeenno ahaa Mumina Sh. Cumar W. Haweenka & Hormarinta Xuquuqda Aadanaha iyo  Fahma Axmed Nuur W. Cadaaladda.

Guddiyada dastuuriga ah, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, haweenka waxaa ay madax ka noqdeen  labo guddi, waa markii ugu horeysay uguna dambeysay, waxaa ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka qaranka iyada oo guddoomiye loo doortay  Xaliimo Ismaaciil Ibrahim(Yarey).

Dhankeeda, marwo Caasho Geele Diiriye ayaa ka mid noqotay haweenka hoggaanka noqday xilligii madaxweyne Xasan, iyada oo guddoomiye looga dhigay guddiga madax bannaan ee dib-u-eegista dastuurka.

Waxaa kale kale oo haweenka ay hoggaan ka qabteen guudiga la socodka dastuurka ee baarlamaanka 9-aad oo madax ka aheyd Maryan Cariif Qaasim.

Dhanka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda: Madaxweyne Xasan Xilligiisa  waxaa guddomiye looga dhigay Bankiga Dhexe Yusur Abraar halka Maryan Macalin ay ku shaqeysay jagada  guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka Diblomaasiyadda iyo arrimaha dibadda,  Safiirrada Soomaaliya u joogtay xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva ee dalka Switzerland waxaa laga dhigay Danjire Faadumo Cabdullahi Maxamuud Insaaniya, Khadiija Al-Maqsuumi oo laga dhigay safiirka Soomaaliya ee dalalka Ciraaq iyo Pakistaan.

Dhanka Amniga, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh dalacsiiyey haweenka badan, oo qeyb ka noqday hoggaanka ciidamada qalabka sida Ilaah ha u naxariistee Gaashaanle Faadumo Cali Raage, oo loo yaqaanay Faay Cali, Zakiye Xuseen oo noqotay 2014-kii gabadhii ugu horeysay ee agaasin iyo qeyb waaxeed madax ka noqota booliiska Soomaaliya iyo haweenka kale.

Awoodsiinta haweenka ee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mid ahaa inuu hoggaanka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu madax uga dhigay Muna Al-Sharmani oo ah Abuukaate Soomaaliyeed oo dowli ah oo Master-ka ka qaadatay Maalgeshiga caalamiga ah ee Jaamacadda Harvard Law School sanadkii 2001-dii halka shahaadada PhD ee xiriirka caalamiga ah ay ka diyaarisay Johns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS).

Haweenka Soomaaliyeed wixii ka horeeyey 2017-kii waxaa ay ahaayeen kuwa si aad ah uga dhexmuuqda bulshada rayidka ah, iyaga oo cod ku lahaa dowlad dhiska halka ay maanta la kulmaan cabsigelin, kana hadli karin waxa socda.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh inta aanu xilka ka tagin 2017-kii, waxaa uu dadaal iyo waqti badan geliyey qoondada haweenka ee baarlamaanka federaalka ah isaga oo kasoo qaaday 12% oo ay heysteen 2012-kii isla markaana gaarsiiyey baarlamaanka 10-aad ilaa 24.8% sanadkii 2016-kii.

Goobjoog News