U bood dhigaalka

Akhriso: Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka G.Hiiraan Oo Kulan Ku Yeeshay Baladweyne

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan lagu soo gaba gabeeyay kulamo Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo wax garadka gobalka Baladweyne uga socday.

Kulamadaan oo ay qeyb ka ahaayeen madaxweynaha ku-xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yusuf Axmed Hagar Dabageed, Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Sambaloolashe, Madaxweynihi hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble iyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa looga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee mudada dheer ka taagan deegaanka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa leysla gartay in xal horu dhaca ah loo helo khilaafka dadka degan deeganada Hiiraan kala dhaxeeya maamulka Cali Guudlaawe oo tan iyo doorashadiisa ay si adag uga soo horjeeden dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in kulanka uu bilaw u yahay kulama xal lagu raadinayo oo maalmaha soo socda deegaanada gobalka Hiiraan ka dhici doona.

Xiisadda iyo khilaafka ayaa sare u kacay kadib markii ay maalmo ka hor gacan ku heynta xarunta maamulka gobalka ee magaalada Baladweyne la waregeen ciidama gadoodsan oo diidan qorsha la sheegay in madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagayo magaalada Baladweyne.

Dhanka kale ciidamada la wareegay magaalada Baladweyne ayaa lagu qanciyay in ay dib isaga baxaan guudaha magaalada wadahadalada ay noqdaan kuwa sii socda.

Goobjoog News