U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka AUN Caalimka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka magaalada Muqdisho COVID 19 ugu geeriyoodey caalimkii weynaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Sheekh Nuur Baaruud, waxaa uu ka tirsanaa  culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan Ikhwaanka garabka Damu Jadiid, Waxaa uu ku jiray Culimada ugu saameynta badan Soomaaliya.

Sheekha Nuur, waxaa uu ku dhashay Magaalada Qoroxey ee deegaanka Kilinka Shanaad sanadkii 1950-kii, waxaa uu ahaa reer Miyi ari jir ah, ilaa indhaha xanuunaan.

Sheekh Baaruud Eedadiis ayaa xanuunka Indhaha dartii ugu soo waday Magaalada Muqdishu 1959-kii xuriyaddii Soomaaliya ka hor, kadib waxay degeen Baydhabo oo qur’aanka ku bartay, 5 sanana ku noola, isaga u soo gudbay kilinka Shanaad oo 3 sano kale uu ku noolaa, Sheekh Nuur waxaa Xamar kusoo laabtay sanadkii 1965-tii, isagoo bilaabay in mar kale uu Qu’aanka dib u xifdiyo.

Kutubka Akhrinta waxaa uu bilaabay 1968-dii, Sanadkii 1970-dii waxaa uu ku biiray Iskuul Islaami ah oo Dugsi sare ahaa, Iskuulka waxaa la oran jiray Tadaamun, iyada oo lagu imtixaamay Tafsiirka, Fiqiga, Caqiidada iyo wixii la mid ah, waxaa uu Iskuulkaas dhigaanayey labo sano.

Sheekh Nuur Baaruud, Labadii sano ee dugsiga sare ugu dambeysay, Waxaa uu dhigtay dugsi Masaari ay la hey doo hoos tagi jiray Azhar oo la oran jiray Machad Muqdishu.

Machadkaas kadib, Sheekh Nur Baaruud, Waxaa qaaday Wasaaradda Diinta iyo Garsoorka halkaas uu Waacid ka noqday xagga Diinta sanadkii September 1, 1974-tii.

Sheekh Nuur isagoo Wasaaradda u shaqeeya ayuu furay Dugsi Gabdhaha Xijaabka sita u gaar ah, ilaa 90 Guri ayuu ka furay magaalada Muqdishu.

Waxaa u wacay Sheekh Nur Wasiirka isagoo u sheegay in uu joojiyo Nashaadka uu wado, arintaas uu sheekha ku gacan seyray, taas oo keentay in Sheekha la xiro.

Sheekh Nur Baaruud Waxaa uu xirnaa 2 sano iyo Bar, Waxaa la xiray May 18, 1976-October 26, 1978-dii, Sheekha waxaa loo xiray qaabka “ii hay” oo ah dadka in la iskaga xiro Eedeyn la’aan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan markii lasoo daayey, Waxaa uu dib u bilaabay Nashaadkii uu hayey, taas oo keentay in mar labaad la xiro 1986-dii, Waxa uu ka mid ahaa 9 qof oo dil lagu xukumay.

Bishii May 5, 1986 ayaa Sheekha iyo sideed kale la xiray, Waxaa lagu xiray guriga Nabad sugidda Mama Khadiijo halkaas uu 9 bil ku jiray.

Xabsiga Dhimashada ayaa markii dambe loo gudbiyay Sheekha, Xabsiga waxaa uu Sheekh Nur ka sheegay xabsi aad u dhib badan sida Kuleel, 10 qof oo lagu xiro qol 2 loogu talo galay, Musqulaha oo qaab wadareed loo galo, 4 Bil ayey Sheekh iyo 8-dii kale halkaas ku jireen, oo ay sugayeen in la toogto.

Sheekada waxaa soo faragaliyay Dalka Sacuudiga oo horay u diidanaa Wadaado 75-tii uu Maxamed Siyaad toogtay, Dilkii waxaa loogu badalay Xabsi daa’in, labo sano kale ayuu sii xirnaa Sheekha kadibna isaga iyo raggii kale waxaa lagu sii daayey Cafis gaar ah.

Culimada Sheekha la xirnaa waxaa ka mid ah: Sheekh Xasan Dahir Aweys, Sheekh Cabdicasis Farax Maxamed, Sheekh Xaashi Colhaye Kaliil, Sheekh Yusuf Gaab, Sheekh Maxamed Cusmaan Siidow, Sheekh Maxamud Sheekh Farax iyo Sheekh Aweys Maxamed Ibrahim.

Sheekh Nuur Baaruud Gurax, Waxaa uu galay Jaamacad, Waxaa uu dagaalkii ku dhacay isagoo ku jira sanadkii ugu dambeeyay, kadib waxaa ka dhacay dagaaladii Sokeeye, Waxaa uu u qaxay Kilinka Shanaad, halaas uu ku maqnaa ilaa 1998-dii.

Sheekh Nuur Baaruud Waxaa uu ka mid ahaa Ikhwaanka Soomaaliya, Burburkii kadib, Waxaa ay Ikhwaanka is tuseen ilaa 6 qodob sida in laga shaqeeyo sida dib u heshiisiinta, gargaarka umadda, waxbarashada iyo qodobo kale, waxaa uu sheegay in kooxdooda aanay ka qeyb qaaday dagaaladii Sokkeye, waxaa uu kalsoo sheegay in kooxdan ay dalka ka bilowday Waxbarasho heer sare ah, sida Dugisyada Umu Qura iyo Axmed Guray iyo Jaamacadda Muqdishu.

Sheekh Nuur Baaruud, Waxaa uu Tafsiir ka akhriyay Masjidka Macmacaanka ee degmada Dharkeyley, Waxaa kaloo Masjidka Cumar Bin Khadaab ee Zoobe uu ka akhriyay Siiro iyo qaar ka mid ah warbaahinta dalka.

Sheekh Nuur Baaruud, Waxaa uu magaalada Muqdishu ka furay Macaahid aad u tiro badan oo gabdhaha Muslimaadka ah, wax lagu baro.

Sheekh Nuur Baaruud Guraxan Waxaa uu ka qeyb galay Ololeyaal dhowr ah oo loogu gurmanayo dadka iyo dalka, Waxaa ka mid ahaa Abaaro dalka ka dhacay 2006-dii sida Abaaro Gedo ka dhacay iyo Daadad ku dhuftay Koofurta iyo Jubbooyinka, waxaa uu ka mid ahaa cilimada ka soo horjeeday joogista Itoobiya ee Soomaliya.

Goobjoog News