U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka AUN Guddoomiyahii Gobolka Banaadir Ahna Duqii Muqdisho Eng. Yariisow

Sheeko:Amniga

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhashay degmadda Hodan ee gobolka Benaadir  16 kii August  1965kii.Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena  ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Shaqooyinkii uu soo qabtay Dawladda Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000  ilaa 2003

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004  ilaa October 2008

Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMG ka aheyd intii u dhaxeysay October 2008   ilaa February 2009.

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009  ilaa   August 2009.

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010.

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014    ilaa   21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar .

Goobjoog News