U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Ee Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa axaddii magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ka ambaqaadaya Ballanqaadkiisa ahaa dhisidda Hay’ad Garsoor oo Tayo leh, ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Galmudug oo ah hay’adda ugu sareysa laamaha Garsoorka, waxaana loo magacaabay Cabdullahi Maxamuud Gacal”.

Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristeyaasheeda usoo gudbineysaa taariikh nololeedka guddoomiye Cabdullahi Maxamuud Gacal.

Cabdullahi Maxamuud Gacal ayaa waxaa uu ku dhashay Ceerdheer/ Galgaduud isaga oo 1985-tii shahaadada heerka 1aad ka qaatay jaamacadda umadda Soomaaliyeed taqasuska sharciga.

Gacal waxaa uu khibrad u leeyahay garsoorka Soomaaliya isaga kasoo shaqeeyey Jubbada hoose, shabeellada dhexe iyo Hirshabelle.

Shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa:

2018: Xeer-ilaaliyaha guud ee D.Goboleedka Hirshabeelle.

2016:  Xeer-ilaaliyaha gobolka Sh.dhexe

1986: Garsoore maxkamadda gobolka Sh. Dhexe

1979: Kaaliye sare maxkamadda gobolka Shabeelaha dhexe.

1978: Kaaliyaha xafiiska xeer-ilaaliyaha shabeelaha dhexe.

1977: Kaaliye xafiiska xeer-ilaaliyaha gobolka jubbada hoose.

1976: Shaqo qaran wasaaradda Garsoorka iyo arimaha diinta.

Guddoomiye Cabdullahi Maxamuud Gacal waxaa uu aqoon buuxda u leeyahay: Maamulka garsoorka, Shuruucda ciqaabta iyo madaniga, – Anshaxa garsoorka, Xeerka nidaamka garsoorka. Xeerka madaniga. -Xeerka habka madaniga, – Mabaadi’da anshaxa garsoorka Bangalore, Maamulidda maxkamadda,  Dabaqidda sharciga dalka, Midaynta xaashida eedda iyo Warqada dhaqtarka la xariirta danbiga.

Tallaabada uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ku magaacabay guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa nooceeda ah, waa mid horay loo qaaday, waana mid wax badan ka badali doonta in Galmudug yeelato garsoor wax badan ka qabta baahiga dadka ku nool dowlad goboleedka.

Goobjoog News