U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikh Nololeedka Gudoodo-Carwo

Sheeko:Dalka

Alle ha u naxariistee waxa khamiistii magaalada Hargeysa ku geeriyootay fanaanadii Soomaaliyeed ee Shamis Abokor Ismaaciil  oo ku magac dheerayd Gudoodo-Carwo. Taasi oo lagu tilmaamo in ay ahayd hooyada fanka Soomaalida isla markaana ah gabadhii ugu horraysay ee soomaali ah ee goob-fagaare ah ka heesta gaar ahaan idaacadda Radio Hargeysa.

Shamis Abokor Ismaaciil (Gudoodo-Carwo) waxay sanadkii 1936kii ku dhalatay magaalo xeebbeedda Conqor oo bari kaga beegan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

1952kii ayay noqotay gabadhii ugu horraysay ee soomaali ah ee goob-fagaare ah ka heesta gaar ahaan idaaadda Radio Hargeysa.

1997kii ayaa waxa ku dhacay xanuunka loo yaqaanno faaliga ama qallalka iyadoo wixii intaas ka dambeeyay u jiiftay xanuunkaasi.

Ehellada Shamis Abokor Gudoodo-Carwo waxay Goobjoog News in ay fanka joojisay muddo ku dhow soddon sano ka hor.

Magaca Gudood-Carwo ayaa waxa u bixiyay Xaaji Cabdi Ayuub oo kamid ahaa dadkii dhidibada u taagay warbaahinta Soomaalida – sida uu Goobjoog News u sheegay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

Aaska Marxuumadda ayaa waxa kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, Abwaano, Fanaanniin, iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Qaar kamid ah abwaannadii iyo masuuliyiintii kasoo qayb-galay aaska qaran ee loo sameeyay Fanaanada Gudoodo-Carwo ayaa sheegay in ay ahayd qof wanaagsan oo magac wayn ku leh fanka soomaalida, sidoo kale waxay sheegeen in fanaanadu ay ahayd ruux ku wanaagsan cibaadada iyo alle ka cabsiga, iyadoo muddo ku siman 30 aan wax hees ah qaadin maadaama ay xanuunsanaysay isla markaana ay iska daysay fanka.

Abwaan Aadan Jaamac Tarabi oo kamid ahaa abwaanadii kasoo qayb-galay aaska marxuumadda ayaana sheegay in ay Shamis ku dardaarantay in aan laga sheekayn taariikhdeedii faneed isla markaana aan la dhagaysan heesihii ay horay u qaadday.

Alle ha u naxariistee Fanaanada Shamis Abokor Ismaaciil Guddoodo Carwo waxay ku geeriyootay da’da 81 jir, iyadoo aan wax ubad ah ifka kaga tagin.

W/Q: Khaalid Foodhaadhi, Goobjoog News, Hargeysa.