U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Hoggaamiyihii Al-Itixaad Sheekh Cali Warsame oo Geeriyooday

Sheeko:Amniga

Waxaa geeriyooday Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ahaa, ee reer Burco Sheekh Cali Warsame Xasan isaga oo ku jiray da’da 83 sano.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso Taariikh Nololeedkiisa:

Sheekh Cali Warsame Xasan waxaa uu dhashay 1938/39-kii, Waxaa uu ku ahaa reer Miyi ah, Geella ayuu raaci jiray meel Ceyn ka tirsan.

1954: waxaa soo galay Burco, kadib waxaa uu sanad kadib tagay Hargeisa isagoo u tagay nin walaalo yihiin oo u shaqeyn jiray Ingiriiska. 1958-ii waxaa uu aaday Diridhaba isaga oo joogay ilaa ay Soomaaliya xoriyadda ka qaadato.

Diridhaba waxaa uu joogay 2 sano joogay isaga oo halkaas ka waday xalaqaadka, markii dambe waxaa aaday Sacuudiga, isagoo 3 sano dhigtay dugsi sare Machad raacsan Jaamacadda Madiina kadib Jaamacadda Madiina kuliyadda shareecada isagoo dhameeyay sanadkii 1976-dii.

Sheekh Warsame waxaa Master- Ka ka dhigtay Jaamacadda Imaam Maxamed Bin Mascuud, 4 sano ayuu ku dhameeyay, isagoo baraney Shareecada Diinta Islaamka.

Xiligaas kadib, waxaa uu ku soo laabtay Soomaaliya isagoo in ka badan 30 sano wadey faafinta diinta Islaamka.

Dowladdii Siyaad Barre waxaa ay u xireen in uu gabadhaha xijaabka u xiro, iyagoo ku eedeeyay in uu ardeyda u diiday in ay qaataan dharka Iskuulka iyo in uu la dagaalayo Shuuciyadda.

Masaajidka Buraco waxaa uu aasaasy 1982-dii, Masjidkaas oo ilaa iyo xilligan kutubo laga akhristo,  isagoo akhriyo caqiidada iyo tafsiirka.

Sheekhda Cali Warmsame waxaa uu ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha xarakada Islaamiga ah ee Itixaad, oo hadda magacooda u badalay Ictisaam, waxaa uu ku caan ahaa fatwooyin la xiriira nabadda.

Caruurta:

Xogtan oo aan ka qornay 2015-kii, waxaa uu Sheekh Cali Warsame noo sheegay in xaaska hore ay u dhashay 7 hal gabar iyo 6 gabdhood, Xaas-ka 2-aad 3 wiil iyo 5 gabdhood iyo bahda ugu dambeysa oo 8 cauruur leh, waxaa uuna intaa raaciyey in caruurtiisa iyo waxa ay dhaleen ay gaarayaan ilaa 60.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye