U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Masjidka Isbaheysiga Oo Faahfaahsan

Sheeko:War

Masjidka Isbaheysiga waxa uu ka mid yahay masaajidda ugu caansan  gudaha dalka, waxa uu ku yaallaa ka soo horjeedka xarunta golaha baarlamaanka ee degamada waa bari.

Isbaheysiga ayaa dhul ahaan waxa uu ku fadhiyaa dhul aad u baaxad weyn waxa ku dhex yaallo maktabad weyn iyo barxad weyn oo loogu talo galay in lagu baakinto baabuurta.

meesha uu  ka dhisanyahay masjidkaan ayaa waxaa lagu sheegaa in ay ahaan jirtay qabuuro iyada oo markaas dowladdii dhexe  ee Soomaaliya guddi u saartay in labur buriyo qabuura lagana dhiso masjidkaan oo loogu magac daray Isbaheysiga.

Masjidka Isbaheysiga ayaa hadda waxa uu la tartamayaa masaajidda kale ee caalamka marka laga fiiriyo sida uu u dhisanyahay iyo qaabka loo ilaaliyo nadaafaddiisa.

Masjidkaan ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha taariikhiga ah oo uu leeyahay dalka  isbaheysiga waxa uu leeyahy dad ku xiran oo jamaaco ah, kuwaas oo inta badan ku tukada salaadaha waxayna u badanyihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Isbaheysiga waxaa dib loo dayac tiray xilligii dowaddii Sheikh Shariif sheikh Axmed waxaana bixiyay lacagta lagu howlgaliyay dhismaha masjidka xildhibaanno ka tirsanaa dowladdii xilgaas jirtay iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Engineer Faarax Cabdi Guure waa Enjineerkii dhisay masjidka isbaheysiga markii la dayac tiray waxa uu ka waramayaa sida loo howlgaliyay masjidka mar kale.

“ Masaajidkaan waxaa la yiraahdaa Masaajidka Isbaheysiga waxaa dhisay dowladda Sacuudiga xilligii todobaatameeyadii, waa Masaajid qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, Masaajidkaan markii uu dhacay burburkii dhibtaato weyn ayaa soo gaartay rag ayaa u soo istaagay si ay Masaajidka u bad baadiyaan”.

Sheikh Shariif Culusow  waxa uu 27 sano imaam ka ahaa masjidka isbaheysiga isaga oo ilaa iyo hadda wali ka ah imaam waxaa uu nooga waramay xilligii la dhisay masaajidkaan iyo cidda dhistay.

“Masjidka sida ku qoran Documentigiisa oo annagu gacanta ku heyno  waxaa ku qoran in la dhisay 1976 kii, waxaana dhisay boqorkii xilligaas maamulayay dowladda Sacuudiga ee boqor Feysal qarashkiisa gaarka ah ayuu ku dhisay Masaajidka, markii uu dhisay waxaa xarigga ka jaray wasiirkii arrimaha dibadda ee uu dhalay boqorka oo magaciisana la dhihi jiray Sacuudul Feysal”.

Masjidka isbaheysiga waxa uu soo maray marxalado kala duwan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dalka waxaa la boobay hantidii uu lahaa qaranka balse masjidka tan iyo burburkii wali waxa uu u dhisnaa sidiisii isaga oo aan laga qaadan qalabkii yaaley in kastoo dagaalladii ka dhacay waddanka ay saameeyeen, haddaba waakan mar kale Sheikh Shariif Culusow oo ah imaamka masjidka oo noo faafaahinaya cidda badbaadisay masjidka.

“Masjidka hantidiisii waagii Maxamed Siyaad Barre lagu furay qaar ka mid yahay ayaa yaallo goglihiisii hore qaar ka mida ayaa taallo documentiyadiisii sidoodii ayay u yaallaan waxaa lagu dadaalay ilaalinta Masjidaka lama bilalaqeysan naf iyo maalna waa loo huray, sidaasi ayaa xukuumadihii kala dambeeyay ay noogu imaanayeen “.

Ugaas Cabdiweli waxa uu ka mid yahay jaamacada ku xiran masjida waxa uu nala wadaagay taariikhda uu u leeyhay masjidkaan.

“Masjidakaan waxaa Masjid qadiimi ah waana masjid lagu xiranyahay, waxa uu ka mid yahay masaajidda hadda loot ago Jamaacada, waa Masjid waasac ah Khudbadaha laga jeediyana waa kuwo mug leh “

Dowladda Sacuudi Carabiya marka ay dhistay Masjidka waxaa xarigga ka jaray Masjidka oo furay Sacuudul Feysal oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee dowladda Sacuudiga, waxayna ku wareejiyeen maamulka Masaajidka dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo uu hogaminayay Gen. Maxamed Siyaad Barre.

Culumo badan ayaa soo martay Isbaheysiga kuwaas oo casharro ka aqrin jiray Masjidka waxaana ka mida culumadaas kuwii ugu horreeyay Sheikh Aadan Sheikh Cabdullaahi Cali,isaga oo loo magacaabay agaasime guud in uu ka noqdo Masjidka waxaana xilkaan u magacaabay Sheikha madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Masjidka isbaheysiga ma ahan goob cibaado oo kaliya, waxaa ku dhex yaallo dugsi qur’aan kaas oo laga barto culuumta la xiriirta diinta islaamka waxaana dhigta dugsigaan ubad fara badan oo Soomaaliyeed.

Dhanka kale masjidka waxaa ku dhexyaallo beero iyo jardiinno loogu talo galay in lagu nasto waxaana ka helaysaa inta aad dhex joogto jawi aad u macan.

W/D: Jaamac Cali Shidane