U bood dhigaalka

Akhriso: Taariikhda Sharma’arke, Farmaajo, Culusow, Tarsan, Ameriko Iyo Murshaxiin Kale

Sheeko:Dalka

Maanta waa maalintii ugu dambeysay ee murashaxiinta madaxweynaha ka hor hadlayaan baarlamaanka Soomaaliya, ilaa 9 murashax ayaa maanta lagu wadaa in ay hadlaan.

Murashaxiinta hadlaya waa: Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, Dr. Maxamud Maxamed Culusow, Maxamed Cabdulahi Farmaajo, Maxamed Cabdirisaq Maxamud Abukar, Maxamud Axmed Nuur Tarsan, Maxamed Nuur Cali Amerika, Maxamed Axmed Jabarti iyo Axmed Maxamed Cabdi Malaadiini:

Hadaba, Halkan Ka Akhriso Taariikhda Murashaxiinta 9-ka Ah Oo Dhameystiran:

Murashaxa: Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke

Waxaa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1960-kii.

Jaamacadda Umadda ayaa ka dhameeyay cilmiga dhaqaalaha, waxaa uu mar kale Jaamacadda heerka koowaad ee cilmiga siyaasadda iyo heerka labaad ee Political Economy uu ka qaatey Jaamacadda  Carleton University in Ottawa, Canada.

Waxaa UN-ka uga shaqeeyay wadamada  Sierra Leone, Sri Lanka iyo Darfur oo Sudan ah.

Cumar Sharma’arke, Labo jeer ayuu ra’isul wasaare noqdey, mar hore  February 13, 2009, dowladda Sheekh Sharif, waxa July 2014-kii uu noqdey safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, isagoo 5 bil kadib December 2014-kii mar kale noqdey ra’isul waasihii 3aad ee dowladda Xasan Sheekh.

August 29, 2016 ayuu ku dhawaaqey in uu u tartamayo madaxweynaha Soomaaliya. 

Murashaxa: Dr. Maxamud Maxamed Culusow

Dr. Maxamud Culusow, waxaa uu ku dhashay Baladweyn, Hiiraan 1948-dii.

Waxbarasho: Dugsiga Hoose, Dugsiga Dhexe ee Ganacsiga, Dugsiga Sare ee Machadka Xisaabaadka Talyaaniga 1971 (darajada koowaad), Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1975 (Darajada kowaad iyo sharaf), Machadka Cilmiga Bulshada ee Hague, Holland, 1984 iyo Machadka Hay’adda Sanduuqa Lacagta Addunka, 1986 iyo Shahaadoyin kale.

Shaqo: Waayo-aragnimo hoggaamin iyo Maamul, Wuxuu ku biiray shaqada Dowladda Soomaaliya 1971.

Dr. Culusow, Waxaa uu Sidoo Kale Noqdey: Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. 

Murashaxa: Maxamed Cabdulahi Farmaajo

Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa uu dhashay March 1962, Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Waxbarasho:

1993: Waxaa uu ka qalin jabiyay State University of New York ee Buffalo, isagoo ku taqasusay taariikhda(Yurub iyo Mareykanka).

Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay Master sanado kadib.

Shaqo:

1981: Waxaa uu shaqo ka bilaabay Wasaaradda arrimaha dibadda, waaxda lacagta, Maamulka iyo Arkiifiyada.

1985-1989: Xogheyaha 2-aad ee Safaaradda Soomaalida ee Washington.

2000: Golaha dhexe ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka.

2002:Xiriiriyaha State of New York  ee arrimaha xuquuqul Insaanka iyo dadka laga tirada badan yahay.

2010: Ra’isul wasaaraha TFG-da ee dowladdii Sharif Sheekh Axmed.

2015: waxaa uu Bare ka yahay Erie College oo ku yaalla buffalo.

Xiligan waxaa uu guddoomiye ka yahay Xisbiga Tayo, waa markii 2aad ee uu jagadan u tartamo.

Murashaxa: Maxamed Cabdirisaq Maxamud Abukar

Waxaa uu ku dhashay Muqdishio, Isbitaal Digfeer sanadkii 1968-dii.

Waxbarasho:

1986-1991: Kuliyadda Beera ayuu dhigtay isagoo ku taqasusay sida loo badiyo xubuubka beeraha.

1991: Mareykanka ayuu tagay isagoo bilaabay Utah State Unversity.

2000: John Hopkins of Advance International Studies, oo ku taalla Magaalada Washington.

Shaqooyin:

June 2001-dii waxaa uu ku biiray hey’adda UNDP isagoo 2 sano u shaqeynayey, waxaa uu wax ka qabtay arrimaha hawada Soomaaliya .

RRIDP’s waa Barnaamij kale uu 8 xero oo ku taalay gudaha Itoobiya.

2005: GDS- oo shirkad latalin ayuu ka furtay dalka Mareykanka.

May 2007-May 2008: Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale ka tirsanaa xubnihii ka shaqeeyay shirkii Djabuti ee lagu dhisay dowladii Sheekh Sharif.

NDI-4 sano ayuu ka shaqeynayey.

Waxaa uu sameeyay Somalione

2016: Waxaa uu isu soo taagay Murashaxnimada

Murashaxa: Maxamud Axmed Nuur Tarsan

Waxaa uu dhashay December 25, 1954, waxaa uu ku dhashay Hiiraan.

Waxbashada:

1975: Macalin

  1. Jaamacadda Galeyr, Geology. Hal sano ayuu dhigtay

1994-1997: West Miniter Univertsy,  Business stadies, Marketing, waxaa uu dhameeyay .

1997: London School of ecomics , shaqada Council London ka tirsan oo qaxootiga shaqo u raadiya, employment adviser.

2006: Muqdisho ayuu yimid isagoo maxaakiimta taageeray. waxaa uu sidoo kale Shirkii Khartum ayuu ka mid ahaa ee Maxaakiimta.

April 6-9 2007: ARS waxaa uu lahaa hidisaheeda.

July 14, 2010-Februar 27, 2014: waxaa uu ahaa duqa iyo guddoomiyaha Banaadir

Xibsiga Cadaaladda Bulshada uu Tarasan guddoomiyaha ka yahay, waxaa la aasaasay November 27, 2014  

Murashaxa:  Maxamed Nuur Cali Amerika

Waxaa uu dhashay October 12, 1962, Waxaa uu ku dhashay Xamar, Howl-Wadaag

Waxbarasho:

1985: Waxaa uu dhiganayey Jaamacadda  Maryland ee dalka Mareykanka, Isla Maryland waxaa uu ka dhigay College xagga dhaqaalaha ah.

Jaamacadda kadib hal sano ayuu shaqeeyay.

1986: Soomaaliya ayuu ku soo noqday isagoo shaqo ka helau Bangiga dhexe, Qeysbta Xisaabaadka guud.

2005: Agaasimaha Xafiiska Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

2006: Ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

October 2007: Safiirka Soomaaliya ee Kenya, waxaa uu warqadaha u gudbiyay Kibaki, madaxweynaha Kenya.

Waxaa lagu xasuustaa 2010: Bishii December 6 ama 7, waxaa uu soo celiyay Safaaradda dhulka Safaaradda, dhulkan waxaa horay loo iibiyay 1995.

Murashaxa: Maxamed Axmed Jabarti

Waxaa uu ku dhashay Awaare oo ka tirsan Itoobiya sanadkii 1971-dii

Waxaa uu ka qalin-jabiyay dugsi sare Cumar Samatar, Galkacyo 1997-dii

Shaqooyin:

1988: Nabad sugidda, sarkaal ayuu ka noqdey.

1990-kii, wixii ka dambeeyay waxaa uu ahaa ganacsade, waana markii ugu horeysay ee uu jagadaas u soo istaago ee murashaxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 Murashaxa: Xaaji Maxamed Yaasiin Ismail

Murashax madaxweyne Xaaji Maxamed Yaasiin Ismail, waxa uu ku dhashay magaalada Mugadishu 1953-dii,waxbarashadiisa dugsiga hoose waxa uu ku soo qaatay magaalooyinka Baardheere iyo Ceelbuur ,isagoo dugsiga dhexe iyo midka sare ku dhamaystay magaalada Mugadishu.

Shaqooyinka uu soo qabatay:

Xaaji Maxamed Yaasiin ismail waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaraddi  ganacsiga isagoo soo noqday Hanti-dhowre muddo 6 sano ah.

Xaajiga, intaa kadib waxa uu u guuray waddanka Kenya sanadkii 1977kii isagoo ka furtay maherado ganacsi, kadibna waddanka Talyaaniga waxa uuna ka mid noqday Jabhaddii la dhihi jiray SSDF waxa uuna  u noqday wakiil u fadhiya Yurub.

Xaaji Maxamed waddanka Zimbabwi ayuu sidoo kale muddo ku noolaa, waxa uuna daganaa oo uu ku noolaa muddo 20 sano ah isagoo  ahaa ganacsade ka shaqeeya dhismaha waaweyn ee guryaha ,waxa uu uguuray waddanka Imaaraadka Carabta , waxa u ahaa mucaarad 4 sano, waa markii 2aad ee xilkan uu usoo istaago.

Murashaxa: Axmed Maxamed Cabdi Malaadiini:

Axmed Maxamed Cabdi(Malaadiini), waxaa uu ku dhashy Muqdisho 1978-dii, Yaraan ayuu ku tagay Imaaraadka waxbarashada hoose, sare ilaa heer Jaamacadeed halkaas ayuu ku qaatey isagoo markii dambe ka qalin jabiyay Jaamacadda Dubai, kana bartey cilmiga sir-doonka.

Axmed Malaadiini waxaa uu muddo ka shaqeeyay Dubai Airport gaar ahaan qeybta booliiska, hey’adda sirdoonka Imaaraadka waxaa la sheegayaa in uu ka gaarey heer General.

10-kii sano ee ugu dambeysay waxaa uu la magacbaxay suldaanka Umadda Soomaaliyeed ee Imaaraadka, isagoo madax ka ahaa ururka samatabixinta umadda Soomaaliyeed, xaaska iyo caruurtiisa waxaa ay deggan yihiin dalka Ingiriiska.

Siyaasadda Soomaaliya waa uu ku cusub yahay, lamana oga sababta ku dhalisey in uu isa soo sharaxo

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News,

Xogtan lama qaadan karo, Ogolaashiyo la’aan.