U bood dhigaalka

Akhriso: Waalaca Caalamka Uu Ka Muujinayo Xiisadda Ka Taagan Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Waxaa isa soo taraya baaqyada wakiilada iyo siyaasiyiinta caalamiga ah ee ku aaddan xasaradda saacadihi la soo dhaafay ka taagan dalka.

Waaxda wasaaradda arimaha dibadda mareykanka u qaabilsan arrimaha afrika ayaa sheegtay in ay aad uga xunyihiin waxa ka socda Soomaaliya.

Xafiiskaan ayaa sidoo kale qoraal uu daabacay ku sheegay in mareykanka uu jawaab cad ka bixin doono kuwa carqaladeynaya dadaaladda ra’iisul wasaaraha ee doorashada.

” Maraykanka waxa uu diyaar u yahay in uu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqo ka joojinta Maxamed Xuseen Rooble waa wax laga naxo waana taageereyna daddalkiisa ku aaddan doorashada oo u dhacda si degdeg ah oo lagu kalsoonan karo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska wasaaradda arimaha dibadda mareykanka u qaabilsan afrika.
Dhanka kale Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah gabar soomaali mareykan kana tirsan mudanayaasha senate-ka ayaa sheegtay in la joogo waqtigii uu bixi lahaa Farmaajo.
Ilhaan ayaa sheegtay in sanad uu ka soo wareegay mudda xileedka dastuuriga ah ee Musharax Maxamed Cabdullahi Farmaajo lana rabo in uu xafiiska baneeyo.
“Farmaajo muddadii xil heyntiisa waxaa kasoo wareegtay 1 sano, Waxaana la jooga xilligii uu meesha ka bixi lahaa” ayeey tiri Ilhaan oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter.
Senatar Jim Risch, oo xubin ka ah guddiga qiimeynta xiriirka dibadda ee golaha guurtida mareykanka ayaa sheegay in hogaamiyayaal dana gaar ah leh ay sii hurinayaan xaalada soomaaliya.
“Hogaamiyaasha dana gaar ah leh ayaa sii hurinaya xaaladda Soomaaliya, qalalaasaha siyaasadeed & amniga, oo ay ku jiraan in ciidamada amniga u adeegsadaan dano siyaasadeed” ayuu yiri xildhibaanka
Jim ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in ay ka hortagaan hogaamiyayaashan in dalka ay ka dhacdo rabshado.
“Hogaamiyayaasha Soomaaliya waa in ay ka hortagaan isku dhacyo kale oo rabshado wata oo ay ilaashadaan dimuquraadiyaddeeda jilicsan iyaga oo dhamaystiraya hab doorasho habka doorashada dadban ee khaladka ah laakiin lagama maarmaanka u ah dib u dhac kale” ayuu yiri xildhibaanka.
Taliska ciidamada mareykanka ee qaaradda afrika magacoodana loo soo gaabiyo AFRICOM ayaa ku baaqay in xaaaldda la qaboojiyo.
Warka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay taagerayaan baaqyada saaxibada caalamka ay ka wadaan xaaladda taagan.
Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu si buuxda u taageeraa saaxiibadayada caalamiga ah, isagoo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Ciidamada Soomaaliya waa in ay diiradda saaraan khataraha amniga ee kooxaha argagixisada ah ee ugaadhsada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri war ka soo baxay AFRICOM.
Dadaalada iyo baaqyada saaxiibada caalamiga ah ayaa imaanaya xilli labada xafiis ee dalka ugu sareysa ay isku mari la’yihiin xiisadda ka dhax taagan.
Goobjoog News