U bood dhigaalka

Akhriso: Waalidiin Caruurtooda Eritrea Ku La’ 2 Sano Ah oo Dowladda Todobaad siiyey

Sheeko:Amniga

Qaar ka mid ah waalidiinta Caruurtooda Tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa sheegay in ay mudda bilooyin ah aysan helin xogta Caruurtooda .

Waalidiintaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay caruurta laga qaaday ay isugu jiraan kuwa maqan Sanad iyo Bar iyo kuwa la qaaday Laba sano ka hor .

Hooyooyinka ayaana sidoo kale sheegay in ay caruurta qaar lagu xiray xabsiyo ku yaallla dalka Ethiopia, halka kuwa kalena ay kala firdhadeen kadib markii la geliyay dagaaladii u dhaxeeyay xukuumadda Abiy iyo ururka TPLF.

qaar ka mid ah Waalidiinta ayaa sheegay in ay banaan baxyo sameynayaan haddii dowladda carruurtooda meel ku sheegi weyso .

” Ilmaha naga maqan labada sano iyo barka waxaan rabnaa in aan helno oo aan helno qoo Eritrea jiraan, Qaar canfar heysato oo qaar Ethopia jiraan waxaan rabnaa in aan helno hadaanan helin wax doorasho ah ma dhaceyso waddooyinkana waa noo xiran yihiin ” ayeey tiri mid ka mid ah hooyooyinka oo warbaahinta la hadashay .

Hooyo kale ayaa iyadana shegtay in ay ka maqan yihiin carruur gaareysa illaa seddax haddana aysan meel ku sheegin .

“Aniga waxaa iga maqan Seddax wiil mid walaasheey ayaa dhashay labana aniga ayaa dhalay laba sanana laaba jeer beey Eritrea igala soo hadleen, haddana mudda seddax bil ah warkooda ma haayo , waxaa la ii sheegay in ay dhibaateysan yihiin oo kuwa canfar isku dhiibeen , kuwa Itoobiya isku dhiibeen , kuwana jidka isaga soo hayaameen rafaad badanna uu jiro , Muslimiinta iyo Dowladdu meel walba oo ay joogaan waxaan ka codsaneyna in ay Awlaadeenna noosoo raadiyaan ” ayeey tiri mid ka mid ah Waalidiinta carruurtooda waaysan .

Waalidiinta Caruurta ka maqan tahay ayaa sheegay in ay dhowr jeer codsiyo u direen Xafiiska Madaxweeynaha iyo mid ka Ra’iisul wasaaraha balse aysan weli Jawaab ka helin Mas’uuliyiintaas.

“Dowladdaan la hadalnay Madaxweynaha codsi u geysanay, Ra’iisul wasaarahaan codsi u geysane , Xafiisada dowadda oo dhan baan codsi u geysane wax nooga jawabana ma lahan ”

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dhowr jeer ah oo hore Askar Tababar ugu qaaday dalka Eritrea, iyadoo Askartaas intooda badan la la’yahay .

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Cabashada Waalidiinta .