U bood dhigaalka

Akhriso: War-Mur-tiyeed Laga Soo Saaray Shirka Madasha Watashiga Qaranka

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydahabo ee  xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socday muddo laba maalmood ah.

Shirka ayaa waxaa looga hadalay Federaleynta nidaamka Maaliyadda dalka, Dimuquraadiyeynta iyo sidii loo dhammeystiri lahaa heshiiskii qaab dhismeedka amniga Qaranka 2017-kii, waxaa kale oo si qote dheer looga hadlay in laga shaqeeyo doorasho qof iyo cod ah oo looga guuro doorasho dadban oo muddo soo socotay.

Madasha Shirka Watashiga Qaran ayaa waxaa sidoo kale madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle looga dalbaday in ay qeyb ka qaataan sidii madaxweyne Deni loogu qancin lahaa inuu qeyb ka noqdo heshiisyada laga gaarayo masiirka dalka, waxaa lagu wadaa in safar ay ku gaaraan magaalada Garoowe si ay kulamo ula qaataan.

Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa sidoo kale waxaa lagu bogaadiyay guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa deegaannada ayka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo deegaanno iyo degmooyin looga saaray dagaalamayasha Al-shabaab, waxaana lagu go’aamiyay in la sii labajibaaro dagaalka oo galaya wajiga labaad.

War-murtiyeedka Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa gabagabadii baaq waxaa loogu diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo loogu baaqay in wax waliba lgu xaliyo wadahadal iyo isafgarad, lagana foogaado beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ay degan yihiin ee magaalada.

No photo description available.

No photo description available.No photo description available.No photo description available.No photo description available.Goobjoog News