U bood dhigaalka

Akhriso: War-murtiteed Kasoo Baxay Shirka Wasaaradaha Warfaafinta Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir u dhaxeeyay wasaaradda warfaafinta heer iyo kuwa dowlad goboleedyada, kaas oo muddo sedex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho, shirka ayaa waxaa sidoo kale gabagabadii l;aga soo saaray war-murtiyeed lagu qeexay wixii ay isku raaceen wasaaradaha, kaas oo ka kooban 13 qodob.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhow, taas oo ku aadan barnaamijyada dowladda sida uu furitaanka shirka uu ka sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac, waxaa shirka goobjoog ahaa wasaaradaha warfaafinta maamullada dalka, iyaga oo dhammaan wadasixiisay wixii la isku raacay.

“Waxaan ku jirnaa marxalado colaadeed, waxaan ku jirnaa marxalado abaareed, waxaan ku jirnaa marxalad dib loogu yagleelayo dowladnimada Soomaaliya, intaas oo dhan ma ahaan howlo hal meel laga hagi karo oo wasaaradda warfaafinta Muqdisho kaliya lagama hagi karo, waxaan u baahannay inaan dalka oo dhan aan ku baahino howshaasi oo ay nala qabtaan, kuwa nala shaqeynaya, ama kuwa ka jiraan dowlad goboleedyada dalka” ayuu ka yiri wasiirka Aweys gabagabadii shirka.

Shirka u dhaxeeyay wasaaradaha warfaafinta heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxaa uu Muqdisho ka socday muddo sedex maalin ah, waxaana looga hadlayay sidii wadashaqeyn mid ah wasaaraduhu uga yeelan lahaayeen xilligaan xaalada ka jira dalka ee dhanka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo barnaamijyada guud ee dowladda.

                             Halkaan ka Akhriso warmurtiyeedka

No photo description available.No photo description available.May be an image of ‎text that says '‎loogu mahadceliyay Dalxiiska Soomaaliya abaabulaya shirkan Wasiirada Warfaafinta shaqeeya dhan Warfaafinta, haqanka Aweys howiwadeenada Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka xiga qabsoomo Baydhabo caasimadaha meel dowlad goboleedka Koofur Galbeed, bilood kadib, oogu cego wixil fulay heshiiskan. MAHADSANIDIIN Wasiirka Vasaaradda Mudane, Daa Aweys Wasiirka Vasaaradda Warfgafinta Dhaqanka Bare Maxamed Dalxiiska Hirshabeele Wasiir xigeenka Varfaafinta Mudane, Axmed Bashift med Vacyigelinta Bulshada oonfur-Galbeed. Wasiirka Warfaafinki Haruuninta dadwaynaha Jubbaland. Mudane, Suleyman Maxamed Maxamud Sauy Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha Iyo Dhaqanka untland. Mudane: Maxamuud ialmudug. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane, Ahmed Shire Mohamud Aptil Agaasimaha Guud Varfaafinta Gobolka Banaadir Mudane, Hassan Ali Abdirahman Wiish) طمiبهاD‎'‎Goobjoog News