U bood dhigaalka

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed lagu soo gabagabeyay shirka dib u heshiisiinta Koonfurgalbeed.

Shirkaan oo magaalada Baydhabo uu ka daahfuray madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgalay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdi casiis Lafta-gareen, siyaasiyiinta maamulka Koonfur galbeed, waxgarad, malaaqyo, nabaddoonno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka Koonfur galbeed.

Kulankaan ayaa intii uu socday looga hadlayay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka alloosan siyaasiyiinta maamulka koonfur galbeed.

No photo description available.

No photo description available.

May be an image of text