U bood dhigaalka

Akhriso : War Saxaafadeed Laga Soo Saaray Shir Baydhabo Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Waxaa soo gaba gaboobay shir labo maalin magaalada Beydhabo uga socday guddiga farsamada arimaha doorashooyinka dalka .

Guddigan oo ka koobnaa 14-xubnood oo ka kala socda maamul gobaleedyada dalka,gobalka Banaadir iyo DFS ayaa war murtiyeed ka soo saaray shirka ay ku yeesheen magaalada Beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in hordhac ah laga gaaray Qodobadii muranka uu ka taagna, sida Arinta Gobalka Gedo.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay madaxda Dowlad gobaleedyada iyo Dowladda Federaalka Berri oo Khamiis ah ay isugu yimaadaan Shir lagu dhameystirayo heshiiska doorashooyinka , iyadoo guddiga aysan cadeeynin goobta uu shirka uu ka dhacayo.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Guddiga Farsamada Arimaha Doorashooyinka